Man City Oo PSG & Man Uniteda Kula Tartamaysa Sergio Ramos, Arsenal Oo
Manchester City ayaa kusoo biiray kooxaha ku dagaallamaya saxeexa kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos oo xalay si rasmi ah loo shaaciyey inuu tegayo. Paris Saint-Germain, Manchester United iyo Sevilla ayay Man City afar ku noqonaysaa, waxaanay dhamaantood raadinayaan saxeexa 35 jirkan oo 16 sannadood oo uu ka ciyaarayay Madrid kusoo afjaraya xaflad maanta loo qabanayo. (AS)Arsenal ayaa laga diiday dalab ay ka gudbisay difaaca reer England ee Ben White oo u ciyaara Birghton. 23 jirkan ayay Arsenal dul dhigtay £40 milyan oo…