Spain Oo Qaabkii U Xumaa Ku Bilaabatay Euro, Kulankii Labaad Oo Ay
Xulka qaranka Spain ayaa kulankii labaad oo xidhiidh ah galay barbarro, waxaanay qaabkii u xumaa ku bilowdeen tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020.Spain ayaa magaalada Seville waxay ku qaabbishay Poland oo ay dhibcaha ku qabsadeen 1-1, iyagoo horena isla garoonkan barbarro goolal la’aan ah ugula galay Sweden.Tababare Luis Enrique ayaa shax ay ka maqan yihiin Thiago Alcantara iyo Adama Traore ku ciyaaray kulankii labaad oo xidhiidh ah, waxaanay awoodi waayeen in ay jidka guusha helaan.Alvaro Morata ayaa qaybtii hore gool aan…