GO’AAN La Sugayay – Man United Oo Ka Tashatay Haddii Ay Cristiano

Kooxda Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay go’aan ka gaadhay saxeexa weeraryahanka Juventus ee Cristiano Ronaldo oo lala xidhiidhinayo inay dib ula soo saxeexanayso suuqa xagaaga sanadkan 2021.

Sida aanu warbixin hore idiinku soo gudbinay, Ronaldo ayay Juventus go’aan ka qaadatay mustaqbalkiisa iyadoo u sheegtay inuu fasax yahay oo albaabada kooxdu u furan yihiin haddiiba uu isagu doonayo inuu baxo.

Heshiiska uu Ronaldo kula joogo Juve ayaa ah mid dhacaya June 2022 waxaana u hadhsan hal xilli ciyaareed iyadoo hadda ay kubaddu lugtiisa ku jirto oo uu isagu yahay midka go’aanka ka gaadhaya haddii uu baxayo iyo haddii uu joogayo.

Kooxda inta ugu badan lala xidhiidhinayo saxeexa Ronaldo ayaa ah Paris Saint-Germain iyadoo ciyaaryahanka kooxdaas ee Neymar uu dhawaan qirtay inuu doonayo inuu ka garab ciyaaro Ronaldo.

Si kastaba, wargeyska Manchester Evening News (MEN) ayaa haatan sheegay go’aanka Red Devils kaddib midka ay Juve ugu sheegtay Ronaldo inuu bixi karo.

MEN ayaa sheegaya inuusan Ronaldo bar-tilmaameed u ahayn Man United oo aysan doonayn saxeexiisa xagaagan, ciyaaryahanka ayaa ah mid uu tababare Ole Gunnar Solskjaer la dhacsan yahay balse heshiis kooxda lagu keeno ayaan u muuqan mid macquul ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More