“Lugta Bidix Ee Messi, Madaxa Ramos, Orodka Mbappe, Jidka CR7, …
Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa magacaabay ciyaaryahannada ugu xirfadda sarreeya kubadda cagta waqtigan, waxaana uu meel iskugu keenay ciyaartoydii aad tebaysay ee ugu magaca weynaa intooda badan.Neymar Jr oo xalay ganaax kaga maqnaa kulankii finalka Coupe de France ee Paris Saint-Germain ay 2-0 koobka kaga qaadday Monaco, ayaa waxa uu isku diyaarinayaa ciyaarta ugu dambaysa xilli ciyaareedkan horyaalka Faransiiska ee Ligue 1, taas oo ay u baahan yihiin in ay saddexda dhibcood helaan, laakiin haddana saddexda dhibcood…