YAAB! Real Madrid Oo Fasaxday Xiddig Ka Qayb-galay Aroos

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa fasaxday mid ka mid ah xiddigaheeda oo ka qayb-galay aroos aanu u haysanin fasax, xilli lagu jiro xidh-xidhnaan Fayraska Korona ah.

Warbaahinta Spain ayaa shaacisay, in Real Madrid ay go’aan ku gaadhay in ay kooxdeeda si bilaash ah kaga dirto, isla markaana burburiso heshiiskii ay kula jirtay Chioma Grace Ubogagu oo ka tirsan kooxda haweenka Real Madrid.

Ciyaartoydan oo u dhalatay waddanka Ingiriiska ayaa xirfaddeeda kasoo bilowday Arsenal, waxaanay Real Madrid kusoo biirtay xagaagii 2019, waxaana xilli ciyaareedkan ay dhalisay laba gool 11 ciyaarood oo ay safatay.

Sida ay ku warrantay idaacadda Cadena Cope, Real Madrid ayaa ku eedaysay Chioma Grace Ubogagu akhlaaq xumo iyo in aanay tixgelin qawaaniinta, waxaana magaceeda laga masaxay liiska ciyaartoyda Real Madrid ee ku qoran website-ka naadiga.

Ma jiro war-saxaafadeed ay Real Madrid kasoo saartay arrintan, hase yeeshee Cadena Cope ayaa caddaysay in Los Blancos ay si rasmi ah u fasaxday Chioma Grace Ubogagu oo la kansalay heshiiskii ay kula jirtay kooxdan.

Si la mid ah ciyaaryahannada kale, kooxda haweenka Real Madrid ayaa fasax ku jirta, waxaana la socda masuuliyiinta naadiga iyadoo aan loo ogolayn inay safarro galaan amaba ay ka qayb-galaan meelo ay dadku iskugu imanayaan iyagoon fasax ka haysanin kooxda.

Horyaalka haweenka ee waddanka Spain ee LaLiga Iberdrola ayaa wali socda, waxaanay Real Madrid ku jirtaa kaalinta labaad, iyadoo saddex dhibcood ka horreysa naadiga kusoo xigta, taas oo ka dhigan in ay kasoo qayb-geli karto tartamada Yurub ee xilli ciyaareedka dambe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More