RASMI: Ganaaxii SANNADKA Ahaa Ee Goolhayaha Xulka Cameroon & Ajax Ee
Goolhayaha xulka qaranka Cameroon iyo Ajax ee Andre Onana ayaa lasoo gaabiyey kaddib rafcaan uu u gudbisay maxkamadda garsoorka khilaafkaadka ciyaaraha ee CAS.25 jirkan ayaa bishii February lagu xukumay inuu 12 bilood ka maqnaado guud ahaan ciyaaraha iyadoo lagu eedeeyey in uu isticmaalay daawooyin mamnuuc ah oo ciyaartoyda ka caawiya inay yeeshaan awood dheeraad ah, balse Onana ayaa ku dooday in kiniin ay saaxiibaddii isticmaalaysay uu ku qaldamay isagoo moodayay xanuun baabi’iye xilli uu gurigiisa ku sugnaa.Ganaaxaas oo ay…