Portugal Oo Guushii Ugu Horreysay Ku Furtay Euro Tan iyo 2008, Ronaldo
Xulka qaranka Portugal ayaa guushii ugu horreysay kulanka ugu horreeya ka gaadhay tartanka qaramada Yurub tan iyo sannadkii 2008, kaddib markii ay 3-0 ku garaaceen Hungry oo ay ku wada jiraan Group F.Saddexda gool oo ay Portugal heleen lixdii daqiiqadood ee ugu dambeeyey ayaa waxa laba ka mid ah dhaliyey Cristiano Ronaldo oo kusii dhowaanaya rikoodhka ah inuu noqdo ciyaartoygii ugu goolasha badnaa taariikhda kubadda cagta caalamiga ah, taas oo ay kaliya uga hadhsan yihiin saddex gool.Daqiiqaddii 84aad ayay Portugal dhaliyeen…