Memphis Depay Oo Shaaciyey Warkii Ay Barcelona Ka Sugaysay

Weeraryahanka reer Netherlands ee Memphis Depay ayaa ka farxiyey Barcelona, waxaanu shaaciyey in uu doonayo inuu la shaqeeyo tababare Ronald Koeman oo uu ka hoos ciyaaro, waxaanu hadalkiisana imanayaa xilli la filayo inuu qalinka ku duugo heshiis xor ah oo uu ugu wareegayo Barcelona.

Laacibkan ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyey wada-hadallo kula jiray Barcelona, waxaanay warbaahinta sheegeen in wax walba ay dhamaystiran yihiin oo kaliya in lagu dhawaaqo saxeexiisa ay hadhsan yihiin.

Memphis Depay oo Arbacadii maanta warbaahinta la hadlay ayaa yidhi: “Qof walba wuu ogyahay in aan in muddo ah wada-xaajood kula jiray Barcelona.

“Waxa aan doonayaa inaan u ciyaaro Ronald Koeman. Hadda, waa in aan sugno laakiin war degdeg ah ayaa jiri doona.”

Barcelona ayaa toddobaadkan oo dhan la sugayay in ay ku dhawaaqo heshiiska Memphis Depay oo ay u degdegtay saxeexiisa kaddib markii ay PSG ka hor-qaadday Georginio Wijnaldum oo ay qarka u saarnaayeen, kaas oo sababtii uu uga leexday kooxda reer Spain ku sheegay inay gaabis ahaayeen.

Memphis ayaa noqon doona saxeexii afraad ee Barcelona ay samayso xagaaga, waxaana ka horreeyey Sergio Aguero iyo Eric Garcia oo ay si xor ah ugala soo wareegeen Manchester City iyo Emerson Royal oo isagana ay ka keensadeen Real Betis.

Madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta ayaa rumaysan in Memphis Depay uu awood kusoo kordhin doono weerarka kooxda oo ay iska garab ciyaari doonaan Sergio Aguero, ayna buuxin doonaan booskii uu banneeyey Luis Suarez.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More