AFTI: N’Golo Kante Ayaa Ku Guuleysanaya Ballon d’Or, Mbappe Oo 4aad
Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Chelsea iyo France ee N’Golo Kante ayaa ku guuleysan doona abaal-marinta ciyaartoyga sannadka ee Ballon d’Or, waxaanu ku garaaci doonaa Robert Lewandowski oo kaalinta labaad geli doono, Kylian Mbappe oo saddexaad noqonaya iyo Lioinel Messi oo afraad u degaya.Sida ay muujisay afti laga qaaday taageereyaasha kubadda cagta, ma jiro ciyaartoy kaga habboon N’Golo Kante oo ay tahay in la siiyo Ballon d’Or, sababtoo ah, waxqabadkiisa garoomada ayaa ka sarreeyey ciyaaryahannada kale ee la…