QIIMAYN: 25ka Difaac Ee Ugu Wanaagsanaa Taariikhda Kubadda Cagta &
Kaddib markii ay Real Madrid xalay xaqiijisay in difaaceeda Sergio Ramos uu si rasmi ah uga tegayo, maantana sagootin ay usii samaynayaan, ayaa waxa soo baxay su’aalo la iska weydiiyey halka uu 35 jirkani kaa jiro liiska difaacyahannadii ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda cagta.
Laacibkan oo Real Madrid ay kala soo wareegtay Sevilla sannadkii 2005 iyadoo kasoo bixisay 27 milyan oo Euro xilli ay da’diisu ahayd 19 jir, ayaa waxa uu soo afjarayaa 16 sannadood oo uu u ciyaarayay Los Blancos.
Sergio Ramos ayaa kabtanka Real Madrid loo magacaabay sannadkii 2015 markii uu kooxda ka tegay Iker Casillas, waxaanu illaa waqtigaas kula guuleystay in ka badan 22 koob oo 12 ka mid ah uu isagu kabtan ka ahaa kooxda.
Qiimayn lagu sameeyey difaacyadii ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda cagta ayaa waxa uu Sergio Ramos kaga jiraa kaalinta toddobaad, waxaanu ku xigaa oo hal buundo ka sarreeya halyeygii Talyaaniga ee Fabio Cannavaro, waxaase uu ka horreeyaa tababaraha Barcelona ee Ronald Koeman oo ah difaaca ugu goolasha badan kubadda cagta, isla markaana ku jira kaalinta 8aad ee difaacyahannada ugu wanaagsan taariikhda.
Difaaca ugu fiican ee kaalinta koowaad ku jira ayaa ah Qaysarkii Jarmalka ee Franz Beckenbauer oo ka horreeya halyeygii Talyaaniga iyo AC Milan ee Franco Baresi, halka saddexaad, afraad iyo shanaadna ay ku kala jiraan Bobby Moore, Alessandro Nesta iyo Gaetano Scirea.
Waa kuwan 25ka difaac ee ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda cagta:
25) Gerard Pique24) Aldair23) Billy McNeill22) Rio Ferdinand21) Giorgio Chiellini
20) Alan Hansen19) Hans-Georg Schwarzenbeck18) Claudio Gentile17) Jaap Stam16) John Terry
15) Laurent Blanc14) Marcel Desailly13) Fernando Hierro12) Carles Puyol11) Jose Santamaria
10) Billy Wright9) Daniel Passarella8) Ronald Koeman7) Sergio Ramos6) Fabio Cannavaro
5) Gaetano Scirea4) Alessandro Nesta3) Bobby Moore2) Franco Baresi1) Franz Beckenbauer