Man City Oo PSG & Man Uniteda Kula Tartamaysa Sergio Ramos, Arsenal Oo

Manchester City ayaa kusoo biiray kooxaha ku dagaallamaya saxeexa kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos oo xalay si rasmi ah loo shaaciyey inuu tegayo. Paris Saint-Germain, Manchester United iyo Sevilla ayay Man City afar ku noqonaysaa, waxaanay dhamaantood raadinayaan saxeexa 35 jirkan oo 16 sannadood oo uu ka ciyaarayay Madrid kusoo afjaraya xaflad maanta loo qabanayo. (AS)

Arsenal ayaa  laga diiday dalab ay ka gudbisay difaaca reer England ee Ben White oo u ciyaara Birghton. 23 jirkan ayay Arsenal dul dhigtay £40 milyan oo Euro laakiin waxa jawaab diidmo oo degdeg ah kasoo bixisay Brighton. (Sky Sports)

Gunners ayaa joojisay damacii ka hayay kubbad-sameeyaha reer Norway ee Maritn Odegaard oo 22 jir ah, kaas oo ay ka go’an tahay inuu sii joogo Real Madrid kaddib qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore oo uu amaah ku joogay Emirates. (AS)

Kubbad-sameeyaha Leicester City iyo xulka qaranka England ee James Maddison ayaa kusoo baxay bartilmaameedka koowaad ee suuqa xagaagan ee Arsenal. 24 jirkan ayaa qiimihiisa lagu sheegay £70 milyan oo Gini. (Express)

Weeraryahanka reer Netherlands ee Memphs Depay ayaa caddeeyey inuu doonayo, in mar kale uu la midoobo tababare Ronald Koeman, taas oo ka dhigan inuu Barcelona kusii jeedo. (Sun)

Kingsley Coman oo 25 jir ah ayaa lagu soo warramayaa in uu kusii jeedo horyaalka Premier League, kaddib markii uu iska diiday heshiis cusub oo qandaraas kordhin ah oo Bayern Munich ay u bandhigtay. (Sky Sports)

Napoli ayaa doonaysa difaaca bidix ee Chelsea ee Emerson Palmieri oo Blues ay ku dartay liiska ciyaartoyda iibinayso xagaagan. 15 milyan oo Euro ayaa la filayaa  in Chelsea ay ku iibiso 26 jirkan. (Gazzetta dello Sport)

Inter Milan ayaa kula tartamaysa Everton difaaca reer Netherlands ee Denzel Dumfries oo 25 jir ah, una ciyaara PSV Eindhoven. (Voetbal International)

Brighton ayaa heshiis £25 milyan oo Gini ah waxay la gaadhay kooxda kubadda cagta Stuttgart oo ay kala soo wareegayso weeraryahanka reere Argentina ee Nicolas Gonzlaez oo 23 jir ah, una dhaliyey lix gool 15 kulan oo horyaalka Bundesliga ah oo xilli ciyaareedkii hore  uu saftay. (Guardian)

Weeraryahanka reer England ee Harry Kane ayay kusoo adkaanaysaa rajadii uu ka qabay inuu ka tago Tottenham oo uu u wareego Manchester City, kaddib markii ay labada kooxood isku beegmeen kulanka furitaanka horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedka 2021/22. (The Telegraph)

Manchester United ayaa laga soo diidayy dalab ay ka gudbisay difaaca reer Enlgand ee Kieran Trippier oo u ciyaara Atletico Madrid. Kooxda reer Spain ayaa dalbatay £35 milyan oo Gini. (Guardian)

Chelsea ayaa kordhisay dalabkii hore looga soo diiday ee ay ka gudbisay difaaca reer Morocco ee Achraf Hakimi oo 22 jir ah. Blues ayaa sare u qaadday lacagta oo gaadhsiisay 60 milyan oo Gini, waxaanay raacinaysaa Marcos Alonso. PSG ayaa iyaduna doonaysa laacibkan. (La Repubblica)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More