RASMI: Gennaro Gattuso Oo Iska Casilay Fiorentina Oo 22 Maalmood Ka

Tababaraha Talyaaniga ah ee Gennaro Gattuso ayaa si rasmi ah iskaga casilay Fiorentina oo saddex toddobaad ka hor u magacowday macallinkeeda cusub ee beddelaya Giuseppe Iachini oo lix  bilood oo uu shaqada hayey kaddib la caydhiyey.

Sidii aanu xalay idiin soo gudbinay, Gattuso ayaa go’aansaday inuu ka tago kooxda 22ka maalmood ka hor shaqada u magacowday kaddib khilaf soo kala dhex-galay labada dhinac oo uu qayb ka yahay wakiilkiisa Jorge Mendes.

Fiorentina ayaa hadda si rasmi ah ugu dhawaaqday, in Gattuso uu ka tegay kooxda 22 maalmood kaddib markii la magacaabay, isla markaana ay beddelkiisa raadinayso.

Qoraal ay Fiorentina ku daabacday barteeda Twitter-ka ayay ku xaqiijisay bixitaanka Gattuso oo ay xilka u magacowday dhamaadka bishii May maalmo kaddib markii uu soo dhamaaday xilli ciyaareedka Talyaanigu.

Gattuso oo xilli ciyaareedkii hore tababare u ahaa Napoli ayaa shaqada laga caydhiyey maalintii ugu dambaysay xilli ciyaareedka, kaddib barbarro niyad-jab ahaa oo ay la galeen Verona, taas oo keentay in kaalinta shanaad ay u degaan oo ay Juventus soo gasho afraad.

Laba maalmood kaddib markii Napoli ay shaqada ka caydhisay, Fiorentina ayaa ku dhawaaqday in Gattuto uu yahay tababaraheeda cusub ee u beddelaya Giuseppe Iachini, shaqadana uu bilaabi doono July 1, laakiin war-saxaafadeed ay saaka soo saartay ayay ku sheegtay in Gattuso uu tegay.

“ACF Fiorentina iyo mudane Rino Gattuso, waxay isku af-garteen, go’aansadeenna in la buriyo heshiiskii hore, sidaa darteedna ma bilaabo shaqada kooxda ee xilli ciyaareedka dambe.

“Kooxdu waxay si degdeg ah uga shaqayn doontaa inay magacowdo farsamo-yaqaane dookheeda ah, kaas oo hoggaamin doona kooxda Viola.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More