Louis van Gaal Oo Daboolka Ka Qaaday Sababtii Ay Euro Ugu Fashilmeen
Tababarihii hore ee kooxaha Manchester United iyo Barcelona ee Louis van Gaal ayaa waraysi uu siiyey wargeyska L’Equipe waxa uu ku gorfeeyey xiddiga Faransiiska ah ee Kylian Mbappe iyo bandhiggii uu ka sameeyey tartanka qaramada Yurub.Louis van Gaal waxa uu sheegay, in da’yarkani aanu xeelad ahaan wali heersare ahayn, sidoo kalena xulka dalka France ay haysatay tababare xumo tartankii Euro ee ay wareegga 16ka kaga hadheen.Tababarahan hore ee xulka qaranka Netherlands ayaa yidhi: “Anigu gudaha kuma jirin laakiin arrimo…