LeBron James Oo Noqday Ciyaartoyga Aflagaaddada Ugu Badan Loo Geystay

LeBron James ayaa noqday ciyaartoyga loogu aflagaadaynta badan yahay guud ahaan ciyaaraha kala duwan ee dunida laga ciyaaro, waxaana uu noqday dhibbanaha cayda ugu badan loo geysto maalin walba.

Xiddiga kooxda LA Lakers ee NBA-da maraykanka ayaa loo diiwaangeliyey in uu yahay laacibka aflagaaddada ugu badan loogu geysto barta bulshada ee Twitterka.

LeBron James oo ay bartiisa Twitter-ka ku xidhan yihiin 49.8 milyan oo qof, ayaa xilli ciyaareedkan aan awoodin in uu Lakers geeyo finalada NBA-da, waxaana si xun u garaacday Phoenix Suns oo si lama filaan ah uga tuurtay tartanka.

Xog ururin ay samaysay Pickwise ayaa waxay muujisay in muddadii u dhaxaysay June 2020 illaa June 2021, in LeBron James ay soo gaadheen 122,568 farriimood oo aflagaaddo ah, isla markaana xambaarsan ereyo aan habboonayn.

Maalin kasta, waxa LeBron James uu helaa 336 farriimood oo cay iyo cunsuriyad iskugu jira, taas oo aanu jirin ciyaartoy kale oo dunida guudkeeda jooga oo sidaas oo kale ku dhacdo.

Kaalinta labaad waxa soo galay weeraryahanka Manchester United ee Marcus Rashford oo muddadii u dhaxaysay June 2020 illaa June 2021 ay soo gaadheen 32,328 farriimood oo aflagaaddooyin iyo cunsuriyad takoor midab ah iskugu jira.

Labadan ciyaartoy ee midabkoodu madowga yahay ayaa ahaa dhibbaneyaashii farriimaha takoorka iyo cayda ah ee ugu badan helay.

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa isagana barta Twitter-ka loogu diray 11,757 farriimood oo cay ah. Tani waxay ka dhigan tahay, in LeBron James uu ka hooseeyo 110,811 farriimood.

Tom Brady ayaa saddexaad ku jira oo ku xiga Marcus Rashford waxaanu helay muddadii sannadka ahayd ee xogtan la ururinayay 28,151 farriimood.

Halkan kaga bogo farriimaha aflagaaddada iyo cunsuriyadda ah ee ay heleen ciyaartoyda dhibka ugu badan loogu geysto baraha bulshada:

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More