DAAWO: Kasper Schmeichel Oo Garsooraha U Sheegay In Laysar Indhaha

Goolhayaha xulka qaranka Denmark ee Kasper Schmeichel ayaa shaaciyey inuu garsooraha u cawday oo uu u sheegay in laysar indhaha lagaga hayo ka hor intii aanu Harry Kane ku laadin rikoodhaha kulankii England ee semi-finalka Euro 2020.

Kasper Schmeichel oo u ciyaara Leicester City ayaa badbaadiyey rikoodhihii uu Kane ku laaday ka hor intii kubadda oo uu soo tufay aan lagu celinin ee aan laga dhalin.

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ayaa shalay shaaciyey in ay ganaax ku ridayaan xulka Ingiriiska iyagoo ka duulaya laysarka indhaha lagaga qabtay.

Laakiin Kasper Schmeichel ayaa dareensan in garsooraha ciyaartu uu arrintan wax ka qaban karayay oo uu joojin karayay in laysarkaas lagu qabto waqtigii rikoodhaha lagu laadayay.

Kasper Schmeichel oo hadlay ayaa yidhi: “Waan u sheegay garsooraha, waxaanu la hadlay garsooreyaasha si uu wax ugu sheego.”

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ayaa subaxnimadii shalay sheegay in ay saddex dembi ku oogayaan xulka England oo ay ku ganaaxi doonaan kaddib laysarka indhaha lagaga qabtay Kasper Schmeichel xilligii rikoodhaha lagu laadayay.

Wargeyska Daily Mail ayaa qoray in ciidamada booliska ee Metropolitan Police ay baadhitaan ku samaynayaan aaggii laysarka lagaga soo qabtay Kasper Schmeichel ee garoonka Wembley Stadium, isla markaana ay ku eegi doonaan fal dambiyeed qofkii falkan sameeyey.

Halkan ka daawo sidii wax u dhaceen: 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More