XASUUQ: Roma Oo 10-0 Ku Xasuuqday Koox Kulankii Ugu Horreeyey Ee Jose
Kooxda kubadda cagta AS Roma ayaa xasuuq weyn geysatay kulankii u horreeyey ee Jose Mourinho uu tababare u noqday iyagoo gaadhay guul 10-0 ah.Jose Mourinho oo horraantii bishan gaadhay magaalada Rome, ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxa uu tababar siinayay kooxdiisa, isagoo u diyaarinaya xilli ciyaareedka cusub, waxaanay ciyaartii ugu horreysay dheeleen maanta oo Khamiis ahayd.Kooxda Talyaaniga ayaa samaysay dhoola-tus uu xasuuq la socdo, waxaanay dhaliyeen toban gool oo jawaab la’aan ah, taas oo bixinaysa ishaaro wanaagsan…