Jose Mourinho Oo Xulka England Ka Caawinaya Sidii Ay Uga Badin
Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa ka caawinaya Ingiriiska sidii ay uga badin lahaayeen Jarmalka oo ay isku beegmeen wareegga 16ka tartanka qaramada Yurub, waxaana uu talooyin joogto ah siinayaa tababare Gareth Southgate.Ingiriiska ayaa Salaasada la ciyaari doona Jarmalka, waxaana midkooda badiyaa uu u gudbi doonaa sideed-dhamaadka halka uu kooxda kalena hadhi doono.Xulka qaranka Germany ayaa ku ciyaaray shax 3-4-3 ah kulankii ay 4-2 ku burburiyeen Portugal, kaas oo ay muujiyeen sida ay ugu awoodda badan yihiin…