WARBIXIN: Xiddigihii Waaweynaa Ee Heshiisyada Is-dhaafi Lagula Kala

Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa u dhow inay gaadhaan heshiis ay isku weydaarsanayaan labada ciyaartoy ee Antoine Griezmann iyo Saul Niguez oo uu midba kooxda kale tegayo.

Antoine Griezmann ayaa kusii jeeda kooxdiisii hore ee Atletico Madrid, sidoo kalena Saul Niguez ayay tahay inuu tago Barcelona, waxaase muhiim ah in si dhab ah loo qiimeeyo xiddigahan iyadoo la eegayo mid walba qiimaha u qalma ee uu ka taagan yahay suuqa iibka ciyaartoyda.

LaLiga ayaa si dhow ula socda xaaladda ciyaartoydan iyo labadan kooxood, waxaana lagu cidhiidhinayaa in laacib walba lagu qiimeeyo waxa uu suuqa ka taagan yahay, si aanay u imanin isla-saayiraad iyo dano si kale oo hoose ay labada kooxood maslaxo qarsoon uga gaadhaan.

Xilli labadan kooxood ku jiraan wada-hadalkan, waxa aanu dib ugu noqonay xogta xiddigihii caanka ahaa ee sannadihii u dambeeyey heshiisyo noocan oo kale ah ay kooxaha Yurub kula kala wareegeen ciyaartooyo.

Midka ugu caansanaa ayaa waxa uu dhacay sannadkii 2009, markaas oo Barcelona iyo Inter Milan ay kala beddesheen Samuel Eto’o iyo Ibrahimovic, laakiin mid walba wuxuu taagnaa qiime gaar ah iyadoo kooxaha qaarkood ay lacago bixiyeen.

Halkan kaga bogo heshiisyadii ciyaartoy is-dhaafsi ee ugu waaweynaa:

Eto’o – Ibrahimovic (2009)

Barcelona ayaa bixisay 45 milyan oo Euro iyo Samuel Eto’o, waxaanay lasoo saxeexatay Zlatan Ibrahimovic. Eto’o ayaa ku qiimaysnaa 20 milyan oo Euro, halka uu Ibrahimovic qiimihiisu taagnaa 65 milyan oo Euro.

Luis Garcia – Torres (2007)

Liverpool ayaa isku dartay 36 milyan oo Euro iyo Eric Garcia, waxaanay Atletico Madrid kasoo qaadatay Fernando Torres.

Baptista – Reyes (2006)

Real Madrid iyo Arsenal ayaa xilli ciyaareedkii 2006/07 is-dhaafsaday labadan ciyaartoy iyadoo heshiiskooduna dhacay maalintii ugu dambaysay ee uu suuqu xidhmayay.

Simeone – Vieri (1999)

Waa tababaraha Atletico Madrid ee hadda oo isagoo Inter Milan u ciyaaraya ay kooxdiisu sannadkii 1999kii u dirtay Lazio, iyadoo kusoo beddelatay weeraryahankii Talyaaniga ee Christian Vieri. Inter ayaa sidoo kale bixisay 40 milyan oo Euro.

Quaresma – Deco (2004)

Sannadkii 2004 ayay Barcelona isku dartay 15 milyan oo Euro iyo Ricardo Quaresma si ay FC Porto ugala soo wareegto Deco.

Gallas – Cole (2006)

Heshiis layaableh ayuu ahaa. Sannadkii 2006 ayay Chelsea la saxeexatay Ashley Cole oo Arsenal u ciyaarayay, halka ay Gunners qaadatay William Gallas iyo waliba 7 milyan oo Euro.

Alexis Sanchez – Mkhitaryan (2018)

Manchester United ayaa u dirtay Henrikh Mkhitaryan kooxda Arsenal, iyadoo kala soo saxeexatay Alexis Sanchez sannadkii 2018, laakiin labada ciyaartoy midkoodna ma saldhigin kooxdii kale.

David Luiz – Matic (2011)Arthur – Pjanic (2020)

Waa heshiiskii ugu dambeeyey ee noocan ah ee dhaca, waxaana sannadkii hore ay kooxaha Barcelona iyo Juventus ku heshiiyeen inay isweydaarsadaan Arthur Melo oo Barca dhexda uga ciyaarayay iyo Pjanic oo dhexda Juve ahaa. Juventus ayaa bixisay 12 milyan oo Euro iyo Pjanic si ay u hesho Arthur Melo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More