Xiddig Muhiim Ah Oo Laga Ganaaxay Xulka Brazil Kulanka Argentina Ee
Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa cadho badan ka muujiyey ganaax lagu riday ciyaartoy muhiim u ah xulka qarankiisa oo seegi doona finalka Copa America ee ay Axadda wada ciyaari doonaan Argentina.Weeraryahanka Manchester City ee Gabriel Jesus oo kaadh cas oo toos ah qaatay kulankii Chile kaddib markii uu isagoo boodsan uu laagay Eugenio Meno, waxaanu ka maqnaa ciyaartii Peru ee semi-finalka Copa America.Brazil ayaa rajaynaysay in Jesus uu usoo laaban doono finalka, hase yeeshee xidhiidhka kubadda cagta Latin America ee…