RIKOODH: Bukayo Saka Oo Rikoodh Cajiib Ah Loo Diiwaangeliyey Iyadoo

Xiddiga da’da yar ee reer England ee Bukayo Saka ayaa loo diiwaangeliyey taariikh layaableh ka hor inta aanay bilaabmin ciyaarta xulka England iyo Denmark ee semi-finalka Euro 2020.

Saka oo ay da’diisu tahay 19 jir, ayaa kusoo bilowday kulankan isagoo beddelay Jadon Sancho oo ciyaartii hore ee Ukraine oo uu dhaawac ku maqnaa ciyaarayaya, waxaana markii uu liiska kooxda kusoo baxay lagu daray buugga taariikhda.

Tababare Gareth Southgate ayaa hal ciyaartoy oo kaliya ka beddelay safkii uu kula ciyaaray Ukraine oo ay ku garaaceen 4-0, laacibkaas isbeddelka kali ah sameeyeyna waa Saka oo kusoo laabtay shaxda hore ee kusoo bilaabanaysa ciyaarta.

19 jirkan ayaa ka garab ciyaaraya Mason Mount, Kalvin Phillips iyo Declan Rice oo ay khadka dhexe wadaagayaan, laakiin Bukayo Saka ayaa yara horreeya saddexda ciyaartoy ee kale, waxaanu ku dhowaanayaa Raheem Sterling iyo Harry Kane oo uu caawinayo.

Difaaca ayay wada taagan yihiin Harry Maguire, Kyle Walker, John Stones iyo Luke Shaw, iyadoo uu goolkana ku jiro Jordan Pickford.

Saka ayaa waxa laga doorbiday ciyaartoyda da’ ahaanta ka weyn ee Marcus Rashford, Jadoon Sancho, Jack Grealish iyo Phil Foden oo dhamaantood kaydka ku jira.

Muxuu yahay rikoodhka Bukayo Saka?

Bukayo Saka ayaa noqday ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee abid ugu soo bilowda xulka qaranka England kulan semi-final ah, waxaanu jiraa kaliya 19 sannadood iyo 305 maalmood.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More