Shaxaha Rasmiga Ah Ee England vs Denmark – Southgate Oo Shaxdii Lasii

England iyo Denmark ayay ciyaartoydoodu ku sugan yihiin garoonka Wembley Stadium oo ay ku samaynayaan iskululayn ka hor kulankooda semi-finalka Euro mar dhow bilaabmaya.

Labadan waddan ayaa midkooda soo guuleysta waxa uu finalka ugu tegi doonaa xulka Talyaaniga oo xalay iska xaadiriyey ciyaarta ugu dambaysa, isla markaana rikoodheyaal ku garaacay Spain.

Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa ciyaara kusoo bilaabay shaxdii maanta qishka lagu sii helay oo aanu waxba ka beddelin, waxaana afka hore wada hoggaaminaya Raheem Sterling iyo Harry Kane, kuwaas oo ay dhexda ka taageerayaan afarta ciyaartoy ee Mason Mount, Bukayo Saka oo beddelay Jadon Sancho, Kalvin Phillips iyo Declan Rice.

Difaaca ayay kusoo wada bilowdeen Harry Maguire, John Stones, Kyle Walker iyo Luke Shaw.

Kaydka England ayay fadhiyaan Jordan Henderson, Grealish, Rashford, Trippirier, Foden, Sancho, James iyo kuwo kale.

Dhinaca kale, xulka qaranka Denmark ayaa ciyaarta ayay ugu soo bilowdeen Dolberg oo ah hoggaamiyahooda afka hore, Damsgaard iyo Martin Braithwaite, halka khadka dhexe ay taagan yihiin Hojbjerg, Delaney iyo Maehle. Difaaca ayay joogaan Larsen, Vestergaard, Kjaer iyo Christensen.

Shaxaha rasmiga ah ee England vs 

 

ENGLAND XI: Pickford, Walker, Stones, Maguire, Shaw, Rice, Phillips, Saka, Mount, Sterling, Kane.

Kaydka: Grealish, Henderson, Rashford, Trippier, Ramsdale, Mings, Coady, Sancho, Foden, Johnstone, James, Bellingham.

DENMARK XI: Schmeichel, Christensen, Kjaer, Vestergaard, Larsen, Hojbjerg, Delaney, Maehle, Braithwaite, Damsgaard, Dolberg.

Kaydka: Lossl, Ronnow, Andersen, Skov, Olsen, Jorgensen, Norgaard, Wass, Wind, Poulsen, Cornelius, Jensen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More