Muxuu CC Sharma’arke ka yiri shirka wada-tashiga ee doorasho…

Muqdisho (Axadle) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa boggaadiyey wada-hadallada doorashooyinka ee ka bilaabanaya gudaha Caasimadda Muqdisho, kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in shirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu kusoo aaday xilli xasaasi ah, isaga oo u tilmaamay in wada-hadalladan ay muhiim u yihiin ka gudubka xaaladda adag ee kala guurka ah ee haatan dalka uu ku jiro.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay ra’iisul wasaaraha iyo madax goboleedyada inay gaaraan heshiis dhammeystiran, si ay dalka uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

“Shirka maanta ayaa muhiim u ah geedi socodka Doorashooyinka xaaladda kala guurka si heshiis dhammeystiran ay u gaaraan ra’iisul wasaaraha & madaxda dowlad goboleedyada” ayuu yiri ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Shirka arrimaha doorashooyinka oo ka dhacay Teendhada Afisyoone ayaa lagu wadaa inuu maanta si rasmi ah u billowdo, waxaana ka qeyb-galay madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo hoggaamiye shanta maamul goboleed ee ka jira dalka.

Shiweynahan oo kusoo aadayo, xilli xasaasi ah lagu wadaa in laga soo saaro go’aanno culus oo lagu jiheynayo doorashooyinka Soomaaliya ee sanadkan 2021-ka, si looga gudbo marxaladda adag iyo xaaladda kala guurka ah ee ay haatan ku jirto Soomaaliya.

Beesha caalamka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale isha ku wada-haya natiijada ka soo baxda shirkan oo si aad ah loogu boggaadiyey xukuumadda ra’iisul wasaare Rooble.

Soomaaliya ayaa waxaa ku daba-dheeraaday ka gudubka marxaladda adag ee kala guurka ah, waxaana dhammaaday muddo xileedkii dowladda dhexe, iyadoo aan heshiis rasmi ah laga gaarin hannaanka lagu wajahayo doorashooyinka Soomaaliya ee sanadkan 2021-ka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More