Daawo: Xasan Sheekh oo ka hadlay ujeedada ka

Muqdisho (Axadle) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay Caasimadda Muqdisho ayaa ka hadlay war-saxaafadeedkii maanta kasoo baxay Golaha Midowga Musharaxiinta, kaasi oo ay ku diideen habraacii uu soo saaray Golaha Wadatashiga Qaranka.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in ujeedada u muhiimsan ee ka lahaayeen qoraalkii ay ku diideen habraaca doorashada Golaha Shacabka ay tahay inay kala cadaadan wax walba, si aysan u imaan ku tagri fal awoodeed.

Waxa uu carabka ku adkeeyay inay lagama maarman tahay in si daah-furan loo ogaado habka ay u dhaceyso doorashooyinka, islamarkaana si hufan loo qabto, sida uu hadalka u dhigay.

“Ujeedadeenu waxaa ay tahay in waxa ay kala cadaadaan oo aan la leex-leexan, maadaama dad aad u farabadan ay doorashada ku mashquulsan yihiin gacantana ku haayaan,” ayuu yiri madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud.

“Doorashadaan waa doorasho dadban, labo jeer ayey dib usoo dhacday, waxaa rabnaa inaysan hadda dib usii dhicin, dacwadeenu ma aha maxay dib ugu dhacday, waaba dhacday ee hadda ayaa rabnaa in la sheego maalinta ay dhaceyso oo maalintaasna ay dhacdo.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in la kala saaro cidda soo xuleysa Ergada, cidda ay matalayaan maadaama doorashada ay tahay mid dadbadan, taasi oo uu hore goluhu sheegay in habraaca soo baxay loogu gacan geliyey madaxda dowlad goboleedyada.

Ugu dambeyntiina waxa uu soo jeediyay in doorashada u eekan magacaabis, balse ay doonayaan in dadka Soomaliyeed shakiga laga bixiyo, isla markaana Ergada soo xulaan 135-tii Oday ee la yaqaanay, marka laga reebo qofkii diida ka qeyb galka doorashada.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa maanta diiday habraacii kasoo baxay Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada, kaasi oo ay sheegen inuu yahay mid khilaafsan dastuurka dalka iyo heshiiskii 27-Maajo, ayaga oo soo jeediyay 7 qoddob oo ay ku sheegen inay ku dhici karto doorasho wada ogol ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More