Daawo: Xasan Daahir oo la saftay Ilhaan Cumar, weerar culusn…

Muqdisho (Axadle) – Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa muuqaal uu iska soo duubay waxa uu uga hadlay baaqii Ilhaan Cumar ee ahaa in la hubiyo duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, si looga badbaadiyo dadka rayidka ah iyo jawaabtii hadalka Ilhaan uu ka bixiyey wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

Xasan Daahir ayaa aad u dhaliilay jawaabtii wasiir Fiqi, isagoo yiri, “Waxaan la yaabay jawaabtii uu Fiqi ka bixiyey hadalkii ay gabadhaas Mareykanka joogta ku dalbatay in aan dadka la layn, war inaad hadalkaas wanaagsan ka hor imaato ma aheyn, qof ciil qaba oo cadawgiisa raadsanaaya ayaa dadkeena baabi’iyey.”

Waxa uu ku canaantay in isagoo careysan oo cadawgiisa raadsanaaya uu gabadhii danyarta u doodeysay uu hadalkeedii xumaan u fasiray, “Nin walaalkaa ah oo diin kula wadaaga, wadankana kula leh ayaad cadaw u raadsatay, gabadhiina waxay leedahay war dadka yaan la wada baabi’in, iyadoo kula qabta in nimankaas lala diriro, laakiin waxa gabadhu ilaalineyso inaad fahmi weyso waa cadaab, ‘Illaahow Fiqi oo kale hanagu badin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Daahir Aweys.

Wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facbook-ga 24-kii bishaan waxa uu u jawaabay Senator Ilhaan Cumar, taas oo si adag uga hadashay duqeyntii Mareykanka uu ka fuliyey gobolka Mudug, isla-markaana dalbatay in baaris dhab ah  lagu sameeyo, haddii ay jiraan waxyeelo soo gaartay dad raydi ah.

“Ilhan Omar xisaabtanka gudaha hey’adaha dalkeeda waa u furan tahay, balse waxaa haboon in ay ka digtoonaato in hadalkeedu u ekaado hiil ay u fidinayso argagixisada Alshabaab ee dhibaatada ku haysa umadda Soomaaliyeed. Gabadheena Ilhaan ma haboona in ay afhayeen u noqoto Alshabaab, miyaysan ogayn in 27 Juun 2021 dhowr iyo soddon qof oo shacab u badan in argagixisadu ay ku xasuuqday Wisil, Maxayse ku qancinaysaa eheladii dadkooda ay Shabaab xasuuqeen, mise Ilhaan waxay bixinaysaa ruqsad Alshabaab wax ku dili karo oo aan ayaga lagu dili karin,” ayuu yiri Fiqi.

Jawaabtii Wasiir Fiqi ee ku socatay Ilhaan Cumar ayaa intaas ku sii dartay, “Ilhaan waxaa u quman in ay taageerto hawlgallada la dagaalanka argagixisada ee Somalia sida wadajirka ah looga wado, haddii kale ay iska aamustaa oo aysan godob ka gelin dalkeedii iyo dadkeedii ay ka soo jeeday! Dumaashi dagaalka nala soo gal.”

Hoos ka daawo Xasan Daahir

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More