Daawo: Beel ka tirsan Abgaal oo hub iyo awood

Xaajicali (Axadle) – Beesha Cabdalla Caroone oo kamid ah beelaha dega gobolka Shabeellada Dhexe ayaa dhoola-tus xoog leh ku soo bandhigtay deegaanka Xaaji-Cali oo hoos taga degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo lagu qabtay kulan weyn oo beeshu ay uga tashaneysay aayaheeda siyaasadeed.

Gaadiid dagaal, hub iyo ciidamo fara badan ayey beeshaan ku soo bandhigtay deegaanka Xaaji-Cali, waxayna waxgaradka beesha oo warbaahinta la hadlay ku goodiyeen in HirShabeelle aysan doorasho ka dhici doonin ilaa laga xaliyo tabashadooda.

Odayaasha u hadlay beeshaan ayaa sheegay in guraasta tirsigoodu yahay Hope141 iyo Hope 146 ay xuquuqdooda siyaasadeed ku maqan tahay, iyagoo baaq u diray xukuumadda federaalka, beelaha Mudullood oo beeshaan ay ka dhalatay iyo madaxda dowlad goboleedka HirShabeelle.

Mukhtaar Axmed Maxamed oo ah duqa guud ee beesha Cabdalla Caroone ayaa ka digay in labadaas kursi ee kala ah, Hope141 iyo Hope 146 deegaan doorashadooda la geeyo magaalada Jowhar, iyadoo aan lagu heshiin, isla markaana ay mas’uuliyadda waxii dhaca ay qaadi doonto xukuumadda HirShabeelle.

“Waxaan ka codsaneynaa beelweynta Mudulood, dowlad goboleedka HirShabeelle iyo dowladda dhexe qaladkaan horay ayuu u dhacay, 132-dii oday ee la sameeyey doorashadii 2012-kii waxay horseedeen baaba’a waxaan ka codsanaa madaxda inay xaliyaan qaladkaan,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha beesha Cabdalla Caroone.

Nabadoon Maxamed Fiiney oo ka mid ah odayaasha beesha ayaa ka digay in xuquuqda beeshaan aan la isku deyin in la duudsiiyo, “Hadii aan cadaalad weyno waxaa dhici doonta cawaaqib xumo aad u xun, mana ka samri doono xaqeena,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More