Ciidamada ammaanka oo rag hubeysan ku qabtay

Muqdisho (Axadle) -Ciidamada ammaanka ee Booliska Soomaaliyeed iyo maamulka degmada Yaaqshiid oo iskaashanaya ayaa xalay howl-gal qorsheysan ka sameeyey xaafado ka tirsan degmadaasi, kaas oo lagu xaqiijinayey amniga Yaaqshiid.

Saraakiisha horkaceysay howl-galka ayaa sheegay inay ku baxeen kooxo burcad ah oo cabasho ay kasoo gudbiyeen dadka deegaanka, isla-markaana ay gacanta kusoo dhigeen.

Ragga la soo qbatay oo afar ah, isla-markaana hubeysnaa ayaa lagu raadjoogay maalmihii lasoo dhaafay, kadib cabasho ay kasoo gudbiyeen shacabka ku dhaqan halkaasi.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullaahi Cariif oo la hadlay wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday in raggan ay ahaayeen burcad dhac u geysaneysay shacabka, isla-markaana ay u sii gudbin doonaan hay’adaha ku shaqada leh, si maxkamad loo soo taago.

Sidoo kale wuuxuu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, si looga hortego amni darrada.

Habeenadii lasoo dhaafay ayey ciidamada ammaanka ee dowladda xoojiyeen howl-gallada ka dhanka ah burcadda, iyaga oo gacanta ku soo dhigay shaqsiyaad ka mid ah kooxaaasi.

Howl-galladan isdaba jooga ah ayaa waxa ay jawaab u yihiin cabashada shacabka ku dhaqan Axadle oo qaati ka taagan ragga burcadda ah ee dhaca ka geysta Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More