Skip to content
Tuesday, July 14, 2026 Mogadishu 29°C Breaking: Saudi Arabia says intercepted Houthi missiles fired at south in test of years-long truce
Breaking News
Axadle | Stay Informed with Horn of Africa Headlines

My Axadle

Saved stories

Followed topics

Reader preferences

Language
Edition

Sports English

Sababta Rasmiga Ah Ee Uu Jurgen Klopp Uga Soo Tagay Thiago

Follow
tHIAGO-2

Dad badan ayay lama filaan ku noqotay inay shaxda Liverpool ka waayaan saxiixooda cusub Thiago Alcantara kaasoo wacdarro dhigay kulankio Chelsea ee isbuucii la soo dhaafay.

Thiago ayaa bedel ku soo galay qeybtii labaad ee kulankii Chelsea isagoo bedelay Jordan Henderson oo dhaawac ku baxay kulankaas.

Xiddiga khadka dhexe ee reer Spain ayaa inkastoo uu garoonka ku jiray 45 daqiiqo waxa uu hadana jabiyay rikoodhka baasaska ee kulan Premier League ah.

Madaama uu Jordan Henderson dhaawac ku seegayay kulanka caawa ee Anfield waxaa la filayag in Thiago Alcantara uu ku soo bilaaban doono kulankiisii ugu horeysay.

Laakiin kooxda Liverpool ayaa bogeeda Twittet ku shaacisay in sababta looga soo tagay Thiago ay tahay inuusan taam buuxda aheyn oo uu qabo dhaawac yar.

? TEAM NEWS ?

One change to the starting XI from #CHELIV; Gomez replaces Henderson. Thiago misses out due to a minor fitness issue.#LIVARS

— Liverpool FC (@LFC) September 28, 2020

Lama oga waqtiga uu dhaawaca soo gaaray laakiin lama filayo inuu seegi doono kulanka Arsenal ay la ciyaarayaan ee Carabao Cup ee isbuucaan.

Booskiisa khadka dhexe waxaa ku soo bilowday Fabinho oo laga soo kaxeeyay booska daafaca dhexe oo uu ka ciyaarayay isbuucii hore.

Fabinho waxaa khadka dhexe kula wehliya Kieta iyo Wijnaldum halka saxiixa cusub Jota uu fadhiyo kursiga keydka.