Bruno Fernandes Oo Sharraxaad Ka Bixiyey Sababta Uu Dhegaha

Xiddiga Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa sharraxay sababta uu dhegaha u qabsado marka uu dhaliyo gool ee uu dabbaal-degga samaynayo iyo macnaha ay isaga u leedahay inuu qaabkaas u dabbaal-dego.

Fernandes ayaa soo qabta labadiisa dhegood sidii uu wax dhegaysanayo oo kale, waxaanu dabbaal-deggiisani ahaa mid aanu marna ka baaqsanin intii uu joogay Manchester United ee uu goolasha u dhalinayay tan iyo dhamaadkii January.

Xiddiga reer Portugal oo wax laga weydiiyey ayaa sheegay in dabbaal-deggan gaarka ah ay inantiisu u ikhtiraacday, ayna tahay wax arrin ay xataa xaaskiisu samayso marka ay guriga joogaan ee ay inantooda yar ciyaarsiinayaan.

“Tani waa sheeko dheer.” Ayuu yidhi Bruno Fernandes oo la hadlayay website-ka Manchester United, waxaanu intaas raaciyey: “Marka aan Portugal ka ciyaarayay, gaar ahaan bilowga xili ciyaareedkaygii labaad ee Sporting, inantayda ayaa soo koraysay, waanad ogtahay.

“Mararka qaarkood, aniga iyo xaaskayga ayaa la hadalna, waxaanay bilowday inay samayso sidan (inay dhegaha soo qabsado sidiisa oo kale). Kaddib markii ay bilowday sidan, waxa aan aniguna ka dhigtay dabbaal-deggayga.”

Bruno Fernandes waxa uu ka cawday telefishannada oo uu sheegay in mararka qaarkood aanay soo bandhigin oo aanu TV-ga kasoo muuqan isaga oo dhegahiisa haysta, waxaanu yidhi: “Waxaan u baahanahay inaan la hadlo Sky, sababtoo ah, mar kasta oo aan sidan sameeyo kama soo baxo shaashadaha. Marka aan inantayda telefoonka ka waco ciyaarta kaddib, waxay ii sheegtaa – ‘maadan samaynin dabbaal-deggii’.

“Mararka qaarkood waxaan u baahnaa inaan sawirro u diro, si ay u aragto inaan sameeyey!

“Hadda way ogtahay mar kasta inaan iyada darteed u sameeyo. Bilowgii may garanayn laakiin hadda way garanaysaa, mar kastana iyada darteed ayaan u sameeyaa.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More