Qiimeynta Ciyaartoyda Ee Kulankii Ay Liverpool Xaaqday
Liverpool ayaa sii wadata guulaheeda xilli ciyaareedka cusub iyagoo 3-1 ku qaarjiyay kooxda Arsenal oo marti ugu aheyd garoonka Anfield.
Alexander Lacazette ayaa hogaanka u dhiibay Gunners laakiin Liverpool durbadiiba ciyaarta ku soo celiyay Sadio Mane iyadoo Andy Robertson uu isla qeybtii hore hogaanka u dhiibay.
Saxiixa cusub ee Liverpool Diogo Jota oo bedelay lagu soo geliyay dhamaadkii ciyaarta ayaa Liverpool u saxiixay goolka seddexaad, isagoo gool ugu dabaaldegay kulankiisii ugu horeysay Liverpool ee horyaalka Premier League.
XIDDIGA GAROONKA – Trent Alexander-Arnold (Liverpool)
Daafaca midig ee Liverpool ayaa sameeyay kulankii caawa karoosyo badan oo goolal abuuray kuwana halis geliyay kooxda Arsenal. Wuxuu soo qaadi karaa karoos fursada abuura ama wuxuu qeyb ka noqon karaa weerarka isagoo isku dayay inuu shabaqa soo taabto sida birta uu garaacay qeybtii hore ee ciyaarta. Sida Gareth Bale, Alexander-Arnold uma muuqdo mid waligiis daafac garab ahaan doona.
Xiddigaha Arsenal ee fashilka ahaa caawa
Seddex xiddig ayaa soo bandhigay qaab ciyaareedkii ugu liitay ciyaartii Anfield, waxaa ugu horeeya weeraryahan Aubameyang oo kubada taabtay kaliya 23 jeer, waxaa sidoo kale isna ciyaarta ku dhex dhumay Hector Bellerin halka Willian uu ku jahwareersanaa doorkiisa kooxda iyo sida uu u caawin karo weerarka.
Qiimeynta Ciyaartoyda
Liverpool: Alisson (8), Alexander-Arnold (8), Gomez (7), Van Dijk (7), Robertson (7), Fabinho (6), Wijnaldum (6), Keita (6), Mane (7), Salah (7), Firmino (6).
Bedel: Milner (5), Jota (7), Minamino (n/a).
Arsenal: Leno (7), Holding (6), Luiz (7), Tierney (6), Bellerin (5), Elneny (6), Xhaka (6), Maitland-Niles (6), Willian (5), Lacazette (6), Aubameyang (5).
Bedel: Ceballos (6), Pepe (5), Nketiah (5).
Man of the Match: Trent Alexander-Arnold.