Maxay Ciyaartoyda Liverpool Ku Sameeyeen Andy Robertson

Andy Robertson waxa uu xalay sameeyey qalad sababay in gool caddaan ah laga dhaliyo kooxdiisa, kaddib markii uu kubadda u dhiibay weeraryahanka Arsenal ee Alexandre Lacazette oo si fudud kubadda u dhaafiyey goolhaye Alisson Becker.

Liverpool ayaa dib usoo dagaallantay oo saddex gool ugu beddeshay Arsenal, waxaana mid ka mid ah goolashaas saxeexay Andy Robertson oo iska soo beday qaladkii uu sameeyey.

Daqiiqaddii 25aad ayaa kubbad uu Andy Robertson isku dayayay inuu iska difaaco, waxay kaga dhacday meel aanu ugu talo-gelin, waxaanay u boodday dhinaca Lacazette oo goolka Liverpool hor taagnaa oo isaguna dhulka ugu dhuftay, kana dul boodsiiyey Alisson oo isasoo tuuray.

Laakiin Sadio Mane ayaa saddex daqiiqadood kaddib goolka barbarraha keenay, lix daqiiqadood oo kale kaddibna waxa ciyaarta 2-1 ka dhigay Andy Robertson oo u dabbaal-degay inuu iska maydhay qaladkiisii, ciyaarta oo sii dhamaanaysana waxa natiijada sii dheereeyey Diogo Jota oo kulankiisii ugu horreeyey u saftay Liverpool, ciyaartana ka dhigay 3-1.

Andy Robertson oo ciyaarta ka haddib la hadlay telefishanka Sky Sports ayaa waxa uu sheegay wixii ciyaartoyda kooxdiisu sameeyeen markii uu qaladka galay ee uu kubadda u dhiibay Lacazette, waxaanu yidhi: “Waxay ahayd ciyaar aanu cidhiidhi weyn saarnay. Dhamaantayo si fiican ayaanu uga jawaabaynay marka aanu kubadda lumino. Waxa aanu saaraynay cadaadis anaga oo ku qasbayna inay qaladaad sameeyaan. Marka aanu kubadda haysanana waxa aanu muujinaynay tayadayada.

“In badan maanaan caban karayn, marka laga reebo caawintii qaladka ahayd ee aan sameeyey. Ciyaartoyduna way i garab istaageen.”

Goolka uu dhaliyey 26 jirkan ayaa ah midkiisii ugu horreeyey ee xili ciyaareedkan cusub, waxaanu rajaynayaa inuu dhalin doono goolal ka badan intii uu saxeexay xili ciyaareedkii hore oo ahaa saddex gool.

Tan iyo sannadkii 2017 oo ahayd markii uu Hull City kaga soo biiray Reds, waxa uu u dhaliyey shan gool, laakiin caawintiisa ayaa ahayd wax layaab leh, iyadoo ay qaybta ugu weyn hal-abuurka ka yihiin isaga iyo Trent Alexander-Arnold.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More