Liverpool Oo Gurigeeda Ku Gumaaday Arsenal, Diogo Jota Oo

Liverpool ayaa gurigeeda ku garaacday Arsenal oo ay ku dubteen 3-1 kulan xiiso lahaa oo ka dhacay garoonka Anfield iyo Diogo Jota uu furtay akoonkiisa goolasha Liverpool kulankiisii ugu horeysay ee Premier League ee Liverpool.

- Advertisement -

Arsenal ayaa goolka ku hormartay ka dib markii uu u saxiixay Alexander Lacazette laakiin Liverpool ayaa soo laabasho degdeg ah sameysay ka dib goolal ay u kala dhaliyeen Sadio Mane iyo Andy Robertson ka hor inta uusan Diogo Jota oo bedel ku soo galay dhamaadkii ciyaarta uusan dilin ciyaarta isagoo dhaliyay goolka seddexaad.

Liverpool ayaa ku biirtay kooxaha Leicester City iyo Everton oo ah kooxaha kaliya ee ilaa iyo haatan wada badiyay seddexda kulan ee ugu horeysay xilli ciyaareedka Premier League. Halka Arsenal ay soo gaartay guuldaradeedii ugu horeysay xilli ciyaareedka.

Waa kulankii 61aad ee Premier League oo aan Liverpool looga badinin garoonka Anfield. Waa seddex sannadood iyo shan bilood oo aan looga badinin gurigooda kulan horyaalka ah. Halka Arsenal ay ku badin la’dahay garoonka Anfield tan iyo sannadkii 2012.

Shaxda Labada Kooxood Ay Ku Soo Galeen:

Liverpool: Alisson, Alexander-Arnold, Robertson, Van Dijk, Gomez, Fabinho, Keita, Wijnaldum, Mane, Salah, Firmino.

Keyd: Adrian, Milner, Jones, Minamino, Jota, Origi, Williams.

Team to play Liverpool: Leno, Bellerin, Tierney, Luiz, Holding, Maitland-Niles, Xhaka, Elneny, Willian, Aubameyang, Lacazette.

Keyd: Runarsson, Gabriel, Saka, Ceballos, Pepe, Nketiah, Kolasinac.

Kooxda martida loo ahaa ee Liverpool ayaa ciyaarta ku bilaabatay si fiican halka Arsenal ay ku soo tashadeen inay ku gaadaan kubadaha rogaalka celiska ah.

Liverpool ayaa seddex fursadood oo waa weyn heshay 20kii daqiiqo ee ciyaarta ugu horeysay, kubad karoos uu soo dhigay Alexander-Arnold ayaa waxaa madaxeeyay oo meel halis ah dhigay Virgil van Dijk laakiin ka hor inta aan kubada shabaqa lagu taabanin waxaa xariiqda goosha madax uga bixiyay daafaca David Luiz.

Daqiiqadii 15aad Liverpool ayaa heshay fursad kale oo gool loo fishay markii uu Mane kubad halis aheyd la beegtay goolka laakiin waxaa si fantastik ah uga badbaadiyay goolhaye Bernd Leno.

Wax yar ka dib Liverpool waxay birta u garaacday Arsenal iyadoo darbo gantaal aheyd oo ka baxay Alexander-Arnold ay ku dhacday Bellerin ay ku dhacday birta.

Laakiin si ka duwan sida ay ciyaarta u socotay Arsenal ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 25aad markii ay soo qaadeen kubad rogaalcelis ah. Maitland-Niles ayaa kubad ka soo dhigay garabka bidix, waxaa damcay inuu bixiyo Robertson laakiin si qaldan ayuu kubad u taabtay taasoo u ogolaatay Alexander Lacazette inuu kubada shabaqa ku laabo, waxayna aheyd qalad weyn uu sameeyay daafaca Liverpool.

Hogaanka Arsenal ma uusan waarin, Liverpool ayaana heshay goolka barbaraha seddex daqiiqo ka dib, iyadoo qalad lagu galay Kieta uu garsooraha tilmaamay inay ciyaarta sii socoto madaama ay Liverpool kubada heysatay, Firmino ayaa garabka midig kubada ugu dhigay Mohamed Salah kaasoo soo galay xerada ganaaxa, waxaa darbadiisa bixiyay goolhaye Leno laakiin waxay kubada u tagtay Mane oo shabaqa hortaagnaa kaasoo si sahlan kubada shabaqa ugu taabtay.

Daqiiqadii 34aad ayay Liverpool dhameystiray soo laabashadeeda iyagoo hogaanka u qabtay ciyaarta, Alexander-Arnold ayaa kubad dheer ka soo qaaday garabka midig, waxaa xabadka ku dejistay daafaca Robertson oo xerada ganaaxa orod ku soo galay iyadoo Bellerin uu booskiisa ka maqan yahay, Robertson ayaana ku guuleystay inuu kubada dabmariyo goolhaye Leno isagoo iska soo guday qaladkii uu ku lahaa goolka Arsenal.

Waxaa qeybtii hore lagu kala nastay 2-1 oo ay hogaanka ku heysay kooxda martida loo ahaa ee Liverpool.

Bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta, Arsenal ayaa bilowday inay riski qaadato oo ay ka baxaan daafaca iyagoo helay dahabi aheyd oo gool loo fishay balse uu ka qasaariyay Alexander Lacazette.

Xiddiga Faransiiska ayaa lkubada la dul tagay goolhaye Alisson, wuxuu u baahnaa kaliya inuu kubada ka dulqaado goolhayaha ama uu dhinac mariyo, laakiin goolhayaha reer Brazil ayaa ku guuleystay inuu kubada ka badbaadiyo iyadoo Lacazette uu aamini waayay fursada uu qasaariyay.

Lacazette ayaana fursad ka horeysay midaan oo offside aheyd sidoo kale kubada la kor tagay Alisson oo sidoo kale ka badbaadiyay.

Liverpool ayaana durbadiiba ku dhawaatay inay Arsenal ku ciqaabto fursada ay qasaariyeen iyadoo Firmino iyo Mane ay kubad fiican isla ciyaareen ka hor inta uusan Mane goolka si ciriiri ah ku hareer marinin kubada.

Labada kooxood ayaa dhamaadkii qeybta labaad soo bandhigay kubad weerar fiican iyagoo kala helay fursado cajiib ah mid uu Alisson u soo baxay kubad halis aheyd inkastoo offside uu jiray iyo Firmino oo isna fursad kale u abuuray Liverpool

Jota oo bedel ugu soo galay Liverpool ayaa helay fursad dahabi aheyd oo uu meel banaan kaligiis ka taagnaa xerada ganaaxa laakiin darbadiisa goolka waxay ku geeska shabaqa.

Reds ayaa fursad kale oo dahabi aheyd heshay daqiiqadii 85aad iyagoo kubad rogaal celis ah ku tagay xerada ganaaxa Arsenal laakiin kubada oo ay isla fahmi waayeen Salah iyo Jota ayaa keentay in Leno uu kubada qabsado.

Diogo Jota ayaa hurdo u diray ciyaarta daqiiqadii 88aad markii karoos uu soo qaaday Alexander-Arnold uu madax ku bixiyay David Luiz, waxaa kubada ay lugta u gashay Jota oo ku guuleystay inuu shabaqa ku hubsado.

Waxay ciyaarta ku dhamaatay 3-1 oo ay Liverpool ku garaacday Arsenal.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More