Fede Valverde Oo Ka Hadlay Tartanka Ka Dhexeeya Casemiro,

Fede Valverde, waxa uu kasbaday quluubta jamaahiirta kooxdiisa Real Madrid sannadkii hore oo uu bandhig cajiib ahaa muujiyey, waxaanu liiska halyeeyada isku daray markii uu sabab u noqday in kooxdiisu ay ku guuleysato Spanish Super Cup bishii December oo ay Atletico Madrid koobka ka qaadeen iyadoo uu naftiisa casaan ugu huray Valverde.

Guushii koowaad ee Real Madrid ay xili ciyaareedkan gaadhay, waxay ahayd Sabtidii oo ay 3-2 dirqi ahaa adkaadeen, waxaana uu Valverde ahaa laacibka gool-dhalinta u furay kooxdiisa.

Fede Valverde oo u warramay Real Madrid TV ayaa sheegay in qaab ciyaareedkiisu yahay inuu ordo illaa inta uu lugaha qaadi kari waayayo daal darteed, waxaanu yidhi: “Booskaygu waa khadka dhexe. Shaqadaydu waa inaan ordo illaa inta aan ordi kari waayayo, illaa lugahaygu is-dhiibayaan.

“Waa taas waxa aan mar walba sameeyo. Waqti kasta waxaan saxayaa waxyaabaha qaarkood sababtoo waxa jira mararka qaarkood oo orkdu aanu ahayn midkii u qalmayay. Waa inaad samayso doorashooyinka saxda ah.”

Valverde waxa kale oo uu shaaciyey talooyinkii uu Zinedine Zidane kulankii Sabtidii oo sabab u noqday inuug ool dhaliyo, waxaanu yidhi: “Tababaruhu wuxuu mar walba ii sheegaa inaan xerada ganaaxa galo oo aan ku guuleystay booskayga. Si fiican ayuu uga hadlaa shaqadayada marka aanu culaysinayno kooxda naga soo hor-jeedda.

“Wuxuu aniga ii sheegaa inaan hore u socdo oo weerarka galo sababtoo ah waxa aan leeyahay awooddii jidheed ee aan ku samayn lahaa, inaan ka gudbo laymanka oo aan hore u socdo.”

Laacibkan da’da yar, waxa uu boosaska joogtada ah ee khadka dhexe ka haysta Casemiro, Toni Kroos iyo Luka Modric, laakiin waxa uu diyaar u yahay inuu kula tartamo, waxaanu yidhi: “Aniga wax badan bay isiiyaan. Tartanka aanu ku wada jirnaana waa mid weyn laakiin qurux badan oo cajiib ah.

“Talo kasta oo ay siiyaan in badan ayay i horumarisaa sababtoo ah waa dad wax badan kusoo guuleystay oo heerka ugu sarreeya taagan.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More