Shaxda Rasmiga Ah Ee Real Madrid vs Valladolid – Xiddig La

Real Madrid ayaa caawa soo dhaweyneysa kooxda Real Valladolid kulankooda labaad ee horyaalka ay difaacanayaan ee La Liga, iyadoo tababare Zinedine Zidane uu isbedelo ku sameeyay shaxdiisa.

Waxaas si lama filaan ah loogu soo bilaabay kulanka caawa xiddiga la ilaaway ee Luka Jovic kaasoo ka garab ciyaaraya Karim Benzema iyadoo tababare Zidane uu ku soo shirtagay shax ciyaareedka 4-4-2.

Casemiro iyo Luka Modric ayaa khadka dhexe ka ciyaaraya halka Isco iyo Valverde ay garbaha saaran yihiin.

Dhanka daafaca dhexe Raphael Varane ayaa ka garab dheelaya kabtan Ramos halka Odriozola uu booska daafaca midig ka bedelay Carvajal iyadoo Marcelo uu ku soo bilowday booska daafaca bidix.

SHAXDA RASMIGA AH:

Real Madrid XI: Courtois; Odriozola, Varane, Ramos, Marcelo; Casemiro, Valverde, Modric, Isco; Benzema, Jovic.

Real Valladolid: Roberto; Hervías, Bruno, Javi Sánchez, Raúl Carnero; Óscar Plano, Míchel, Fede San Emeterio, Waldo; Orellana, Weissman.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More