Maalinta ugu danbeysa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ma noqon doonto mid laga niyadjabo sannadkaan.
Manchester United ayaa weli suuqa ugu jirta weeraryahan halka Chelsea ay rajeyneyso inay dhowr ciyaartooy iska diraan.
Suuqa kala iibsiga waxa uu si rasmi ah u xirmayaa maalinta Isniinta ee 5ta bisha October.
Laakiin kooxaha Premier League waxay fursad u heystaan inay saxiixyo dalka Ingariiska gudahiisa ah sameeyaan ilaa iyo 16ka bisha October.
Hadaba waxaan eegi doonaa todoba saxiix oo waa weyn oo ay kooxaha Ingariiska dhameystiri doonaan ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga Yurub.
Jadon Sancho – £108m
20 jirkaan ayaa diirada u saarnaa Manchester United xagaagii oo dhan, iyadoo Solskjaer uu ka gudbiyay dalab gaaraya 91.3 milyan ginni isbuucaan laakiin dalabkaas waa la soo diiday.
Dortmund ayaa diidan inay ogolaato lacag ka yar lacagta ay ku qiimeyneyso xiddigaan oo gaareysa 108 milyan ginni.
Laakiin tababare Solskjaer ayaa kalsooni ku qaba in heshiis la gaari doono ka hor inta uusan xirmin suuqa.
Houssem Aouar – £45m
Lyon ayaa diiday dalabkii ugu horeeyay ee ay Arsenal ka gudbisay kubadsameeyahaan oo gaaraya 32 milyan ginni.
Gunners ayaa la laabatay dalab kale oo gaaraya 34.5 milyan ginni laakiin isna waa la soo diiday.
Kooxda Faransiiska waxay xiddigaan ku qiimeyneysaa 54 milyan ginni laakiin wararka waxay sheegayaan inay aqbali doonaan dalab gaaraya 45 milyan ginni.
Aouar oo 22 sanno jir ah ayaa doonaya inuu u wareego Emirates Stadium haddii labada kooxood ay heshiis gaaraan.
Milan Skriniar – £45m
Tottenham iyo Fulham ayaa ku dagaalamaya saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Inter Milan, Skriniar.
Spurs ayaa la sheegay inay ka gudbineyso 25 jirkan dalab u dhaxeeya 30 ilaa 35 milyan ginni. Laakiin kooxda Talyaaniga waxay dooneysaa 45 milyan ginni.
Declan Rice – £40m
Chelsea ayaa ku rajo weyn inay dhameystirto saxiixa xiddiga West Ham Declan Rice ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.
West Ham ayaase ku adkeysaneysa in ciyaaryahanka khadka dhexe uusan iib aheyn.
21 jirkan oo ay iska fasaxday Blues markii uu 14 sanno jir ahaa ayaa ku cadaadinaya West Ham inay ka iibiyaan Chelsea.
Kurt Zouma – £36m
Chelsea ayaa rajeyneysa inay iska dirto daafaca dhexe ee 25 sanno jirka ah ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.
Weli seddex sannadoo ayaa uga haray qandaraaskiisa, laakiin Chelsea ayaa dooneysa inay soo ceshato qeyb ka mid ah 220kii milyan ginni ee ay suuqa kala iibsiga ku qarashgareeyeen xagaagan.
Everton ayaa xiiseyneysa xiddigaan isagoo amaah ugu dheelay kooxdaan xilli ciyaareedkii 2018-19 halka Leicester City ay qiimeyneyso xaaladiisa.
Edinson Cavani – Xor
T33 jirkaan ayaa xor ah ka dib markii ay iska fasaxday Paris Saint-Germain dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.
Manchester United ayaa lala xiriiriyay iyadoo Solskjaer uu weli ugaarsi ugu jiro weeraryahan cusub.
Waxaa jira warar la xiriirinaya United weeraryahanka Real Madrid Luka Jovic laakiin milkiilayaasha kooxda waxay doonayaan Cavani.
Ruben Loftus-Cheek – Amaah
Aston Villa ayaa ugu cadcad inay amaah hal xilli ciyaareed ah kula wareegto Loftus-Cheek.
Laakiin waxay tartan adag kala kulmayaan kooxaha West Ham iyo Southampton oo iyaguna xiiseynaya 24 jirkaan.







