Wakiilka Donny van de Beek Oo Dhaleeceeyay Man United Isagoo

Wakiilka Donny van de Beek oo lagu magacaabo Sjaak Swart ayaa ku dhaleeceeyay Manchester United sida ay u isticmalayaan saxiixooda ay 39ka milyan ginni kala soo wareegeen Ajax.

Xiddiga reer Netherlands ayaa kaliya ciyaaray 24 daqiiqo labadii kulan ee Premier League ee ay xilli ciyaareedkan la ciyaareen Crystal Palace iyo Brighton.

Van de Beek ayaa shabaqa ka soo taabtay Palace, wuxuuna United u keenay rigooradii ay kaga badiyeen Brighton. Waxa uu sidoo kale ku soo bilowday kulankii ay United 3-0 kaga badisay Luton wareegii seddexaad ee Carabao Cup.

Laakiin Swart ayaan ku faraxsaneyn waqtiga uu 23 jirkaan ku qaadanayo kursiga keyda isagoo dhaleeceeyay qaab ciyaareed guud ee kooxda Manchester United.

“Inuu keyd noqdo, gabi ahaanba ma ahan wax aan jecleystay” ayuu 82 jirkaan u sheegay told Voetbalprimeur.

“Inaan soo galo ciyaarta oo afar daqiiqo ay ka harsan tahay ma ogolaadeen. Kursiga keydka ayaad igu dhaafi kartaa.

“Laakiin waa inaan sheego inuu sameeyay seddex waxyaabood oo fiican. Rigooradii ay ku badiyeen isaga ayay ka timid. Shaqo fiican ayuu qabtay labadii daqiiqo ee uu garoonka ku jiray.

“Laakiin caadiyan waxaa looga badin karay 7-1, Brighton birta ayay garaacday shan jeer. Brighton ayaa aheyd kooxda fiican, laakiin ma aheyn inay sidaasi ku dhacdo koox Manchester United ah.”

United ayaa caawa wareega 16ka Carabao Cup waxay la ciyaarayaan kooxda Brighton iyadoo la filayo in Van de Beek lagu soo bilaabo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More