Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ee Caawa Oo Arbaco

Xanta suuqa kala iibsiga xagaaga ma ahan mid joogsato 24ka saacadood iyadoo warar cusub ay had iyo jeer ka soo kordhaan madaama ay kooxaha suuqa ugu jiraan xiddigo ay ku sii adkeeyaan kooxahooda.

Hadaba waxaan caawa idiin soo uruurinay wararkii ugu danbeeyay ee ay warbaahinta Yurub ka qortay suuqa kala iibsiga xagaaga iyo heshiisyadii la dhameystiray saacadihii ugu danbeeyay.

RASMI: Kooxda Faransiiska ee Lyon ayaa si rasmi ah u la wareegtay xiddiga khadka dhexe ee reer Brazil iyo kooxda AC Milan Lucas Paquetá, iyadoo lagu iibsaday heshiis gaaraya 20 milyan euro.

RASMI: Xiddigii khadka dhexe ee Chelsea Ross Barkley ayaa heshiis amaah hal xilli ciyaareed ah ugu wareegay kooxda Premier League ka ciyaarta ee Aston Villa.

Waxaa la saxiixay heshiiskii u dhaxeeyay kooxaha Man United iyo Lazio ee xiddiga Red Devils Andreas Pereira uu amaah ahaan ugu wareegayay kooxda Lazio, iyadoo kooxda Talyaaniga ay qiyaar u heysato inay xagaaga danbe ku iibsato xiddigaan 27 milyan euro. Heshiiska waxaa ka harsan in kaliya si rasmi ah kloogu dhawaaqo.

Kooxda Talyaaniga ee AS Roma ayaa iydana dalab cusub ka gudbineysa daafaca dhexe ee Man United Chris Smalling oo ay amaah ku heysteen xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, waxay rajeynayaa in heshiiska lagu soo gabagabeeyo labo maalmood gudahood iyadoo xiddiga Ingariiska uu doonayo inuu baxo.

Borussia Dortmund ayaa mar kale beenisay in sababo la xiriira suuqa kala iibsiga uu u maqan yahay xiddigooda Ingariiska Jadon Sancho kaasoo seegaya kulanka German Super Cup ee ay la ciyaarayaan Bayern Munich. BVB waxay ku adkeysaneysaa in Jadon Sancho aysan ku iibin doono 90 milyan ama 100 milyan. Waxay ku adkeysanayaan inaysan waxba ka bedeli doonin qiimahooda 1008 milyan ginni maalmaha ugu danbeeya ee suuqa kala iibsiga.

Bayer Leverkusen ayaa si weyn isagu dayaysa dhameystirta saxiixa daafaca Arsenal Saed Kolasinac. Waxay weli wadahadal kula jiraan kooxda Arsenal kuwaasoo doonaya 10 milyan ginni laakiin Leverkusen ma dooneyso inay bixiso lacag intaas gaareysa.

Chelsea ayaa xaraasheysa qaar ka mid ah xiddigahooda ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga, waxay suuqa soo dhigeen xiddigaha kala ah goolhaye Kepa, daafacyada Emerson, Marcos Alonso, Kurt Zouma iyo Antonio Rudiger halka xiddigaha khadka dhexe ee Danny Drinkwater iyo Ruben Loftus-Cheek iyagana la fasaxayo.

Sky Sports ayaa sheegeysa in haddii Man United ay ku guuldareysato saxiixa xiddiga Dortmund Jadon Sancho, inay heysato afar ciyaaryahan oo ay kala dooran karaan: weeraryahanka Barcelona Ousamne Dembele, xiddiga Watford Ismaila Sarr, laacibka Real Madrid Luka Jovic iyo xiddiga xorta ah Edinson Cavani.

Daafaca garabka midig ee Ajax Sergino Dest ayaa tijaabada caafimaadka u maray kooxda Barcelona laakiin u wareegistiisa kooxda Catalans lama filayo in lagu dhawaaqi doono ka hor berri oo Khamiis ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More