Eden Hazard Oo Laga Saaray Liiska Ciyaartoyda Real Madrid Ee

Xiddiga reer Belgium ee Eden Hazard ayaa laga saaray liiska ciyaartoyda Real Madrid ee kulanka caawa ay ku martigelin doonaan Real Valladolid, kaddib markii uu laacibkan dhaawac cusub soo gaadhay.

Hazard oo tababarka kooxdiisa kusoo laabtay maalmo ka hor ayaa lagu soo daray ciyaartoyda Los Blancos ee kulankan, hase yeeshee inta aan la gaadhin waqtiga ciyaartaba tababare Zidane usoo yeedhay war kale oo naxdin leh oo sheegaya in Hazard aanu ku xisaabtami doonin muddo bil ah oo kale.

Real Madrid oo xagaagii hore Hazard kasoo bixisay 120 milyan oo Euro oo ay kaga soo iibsatay Chelsea ayaa waxa uu inta badan xili ciyaareedkii tegay u jiifay dhaawac kasoo gaadhay kuraanta oo sababay in qalliin lagu sameeyo, waxaana markii uu kasoo kabtay dhaawacaas hore uu haddana ku laabtay mid kale oo cusub oo isla kuraantii ah.

Labadii ciyaarood ee hore ee ay kooxdiisu horyaalka LaLiga ee cusub dheeshay ayaanu qayb ka ahayn, waxaase lagu daray liiska kulanka caawa oo maantana laga saaray.

Sida uu qoray wargeyska Marca, Eden Hazard ayaa dhaawac cusub kasoo gaadhay lugta midig, waxaanu qiyaastii garoomada ka maqnaan doonaa muddo afar toddobaad ah, taas oo ka dhigan in bisha October oo dhan uu maqnaan doono.

Dhaawacan cusub oo muruqa ah ayaanay Real Madrid war rasmi ah kasoo saarin, waxaase la rumaysan yahay in ugu badnaan uu qaadan doono afar usbuuc oo ay kooxdana kusoo fool leeyihiin ciyaaro adag.

22 ciyaarood oo kaliya oo dhamaan tartamada ah ayuu Hazard u saftay kooxdiisa Real Madrid xili ciyaareedkii hore, waxaana dhaawacan cusub uu sii xumaynayaa rajadii Real Madrid ka qabtay inuu xili ciyaareedkan cusub dhaami doono oo uu badqab ka noqonayo dhibaatooyinka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More