Musiibo Ku Habsatay Real Madrid, Xiddigii Afaraad Oo Weyn Oo

War kale oo xun ayaa u soo yeeray Real Madrid iyadoo Dani Carvajal uu soo gaaray dhaawac halis ah oo garoomada ka saarayo muddo dheer.

Daafaca midig ayaa baaritaano lagu sameeyay, waxaana lagu xaqiijiyay dhaawaciisa jilibka, iyadoo la filayo inuu garoomada ka maqnaado muddo labo bilood ah.

“Ka dib baaritaano ay dhakhaatiirta Real Madrid ku sameeyeen Dani Carvajal, waxaa dhaawac xun uu ka soo gaaray jilibka midig, soo kabsashadiisa waa la qiimeyn doonaa” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay Real Madrid.

Waxay tani la micno tahay in Alvaro Odriozola oo ku soo bilowday kulankii Real Valladolid ee bartamihii isbuucaan inuu sii buuxin doono booska Carvajal.

Warka wanaagsan ee ay Real Madrid heysata ayaa ah in daafaca reer Basque inuu ka mid yahay kooxda xilli ciyaareedkan madaama uu amaah ku maqnaa qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii la soo dhaafay iyadoo Real Madrid aysan heysan bedelka Caravajal.

Xiddigaha kale ee buuxin kara booska Carvajal isbuucyada soo socda waxaa ka mid ah xiddiga garabka midig ka ciyaara Lucas Vazquez iyo daafaca bidix Ferland Mendy.

Carvajal ayaa seegi doona kulanka El Clasico sababo la xiriira dhaawac halka uu sidoo kale seegi doono kulamo muhiim ah oo ka tirsan horyaalka La Liga sida Levante, Cadiz, Huesca, Valencia iyo Villarreal iyo sidoo kale afarta kulan ee ugu horeysay ee wareega group-yada.

Dhaawaca Carvajal ayaa imaanaya kaliya labo maalmood ka dib markii uu dib u dhac ku yimid soo kabsashada Eden Hazard halka Eder Miliato iyo Toni Kroos ay iyaguna dhaawac ku maqan yihiin.

Sidaasi darteed uma ahan bilow fiican tababare Zinedine Zidane marka laga hadlayo dhaawacyada soo wajahay ciyaartoydiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More