Saxiix Cusub Oo Arsenal Ku Fashilmay Islamarkaana Kooxda

Arsenal ayaa lagu waramayaa inay wadahadalo lama filaan ah ugu jirto inay William Saliba amaah kale ku diraan xilli ay xiiseynayaan kooxda Faransiiska ee Rennes iyo kooxo Ingariis ah.

Xiddiga Faransiiska ayaa loo arkayay inuu boos joogta ah ka helayo Emirates Stadium ka dib markii uu 28 milyan ginni uga soo wareegayo kooxda St Etienne laakiin waxa uu weli sugayaa inuu Gunners u safto kulankiisii ugu horeysay.

19 jirkaan oo lala barbardhigay Virgil van Dijk ayaa la filayay inuu noqon doono wajiga cusub ee daafaca Arsenal isagoo ka garab ciyaaraya xiddiga kale ee horyaalka Faransiiska ka yimid ee Gabriel Magalhaes.

Laakiin inkastoo uu daafaca reer Brazil Gabriel uu durbaba la qabsaday kooxda islamarkaana uu ciyaarayo, Saliba waxaa gabi ahaanba laga ilaaliyay kooxda.

Waxaa shaki badan sii geliyay mustaqbalkiisa markii daafaca laga reebay liiskii 18ka xiddig ee Arsenal ee loo magacaabay inay ka hortagaan Liverpool kulankii Carabao Cup ee xalay.

Sida ay sheegtay Ouest-France, kooxda Rennees ayaa haatan wadahadalo la xaqiijiyay kula jirta Arsenal iyagoo ka shaqeynaya sidii William Saliba dib loogu soo celin lahaa horyaalka Faransiiska.

Warbaahinta kale ee Faransiiska RMC ayaa sheegeysa in madaama ay Arsenal ku guuldareysatay inay iska dirto daafacyada kale inay taasi ku hogamineysay inay amaah ku fasaxaan Saliba iyadoo kooxo Ingariis iyo Jarmal ah ay sidoo kale xiiseynayaan.

Laakiin fursad uu dib ugu laaban karo dalkiisa islamarkaana uga ciyaari Champions League ayaa ah mid Saliba soo jiidaneysa madaama uu haatan qancin waayay tababare Mikel Arteta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More