Isku-aadka Europa League Oo La Shaaciyey – Kooxahee Ayey

Isku aadka wareegga hormooyinka tartanka Europa League ayaa lagu dhawaaqay, kaas oo ka kooban 12 group oo min afar kooxood ah.

ooxda kubadda cagta Arsenal ayaa hoggaaminaysa Group B, waxaana ku wehelinaya Rapid Vienna, Molde iyo Dundalk, halka Tottenham oo ku jirta Group J, ay afka iska galeen Ludogorets iyo labada kooxood ee kale LASK iyo Royal Antwerp.

Kooxda awoodda badan ee Napoli oo sannadkan aan nasiib u yeelanin inay ka qayb-gasho Champions League ayaa tartanka Europa League ku maraysa imtixaan adag iyaga oo isku beegmay Real Sociedad iyo AZ Alkmaar, taas oo uga dhigan in kulamo holac ah ay sugayaan.

Leicester City oo xilli dambe lumisay booskeeda kaalmaha sare ee Premier League ee xili ciyaareedkii hore ayaa waxay ku beegantay group jilicsan oo ay durduro kaga soo bixi karto, inkasta oo ay ku dhegi karaan Braga iyo AEK Athens oo aan aad loo dhayalsan karin.

Isku aadka-ka oo dhamaystiran:

Group A: Roma, Young Boys, Cluj, CSKA Sofia

Group B: Arsenal, Rapid Vienna, Molde, Dundalk

Group C: Bayer Leverkusen, Slavia Prague, Hapoel Be’er Sheva, Nice

Group D: Benfica, Standard Liege, Rangers, Lech Poznan

Group E: PSV Eindhoven, PAOK, Granada, Omonia Nicosia

Group F: Napoli, Real Sociedad, AZ Alkmaar, Rijeka

Group G: Braga, Leicester City, AEK Athens, Zorya Luhansk

Group H: Celtic, Sparta Prague, AC Milan, Lille

Group I: Villarreal, Qarabag, Maccabi Tel Aviv, Sivasspor

Group J: Tottenham Hotspur, Ludogorets, LASK, Royal Antwerp

Group K: CSKA Moscow, Dinamo Zagreb, Feyenoord, Wolfsberger

Group L: Gent, Red Star Belgrade, Hoffenheim, Slovan Liberec

Waqtiga la ciyaarayo kulamada groups-ka:

Kulamada 1aad: 22 October

Kulamada 2aad: 29 October

Kulamada 3aad: 5 November

Kulamada 4aad: 26 November

Kulamada 5aad: 3 December

Kulamada 6aad: 10 December.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More