Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
Hadalkii Uu Arturo Vidal Uu Ku Yiri Garsooraha Ee Lagu
Xiddiga khadka dhexe ee Inter Milan Arturo Vidal ayaa waxaa soo martay habeen ay tahay inuu iska ilaawo Arbacadii markii casaan la siiyay kulankii Champions League ee ay guuldarada ka soo gaartay Real Madrid.Laacibka reer Chile ayaa casaan la siiyay iyadoo kooxdiisa lagu hogaaminayo 1-0 qeybtii hore ee ciyaarta, wuxuu qaatay labo calamaad oo hurdi ah oo isku xiga ka dib markii rigoore loo dhigi waayay.Vidal oo kooxda Inter Milan kaga soo biiray Barcelona xagaagan ayaa ku dhex dhacay xerada ganaaxa laakiin garsoore Anthony…
Kooxo Ka Dhisan Premier League, Bundesliga & Serie A Oo U
Arsenal, Hoffenheim, Leicester City iyo AS Roma ayaa noqday kooxihii ugu horeeyay ee u soo gudba wareega 32da ee Europa League.Arsenal ayaa xaqiijisatay wareega xiga ee Europa League ka dib markii ay badiyeen kulankii afaraad ee Group B, Nicolas Pepe ayaa shabaqa soo taabtay bilowgii qeybta labaad ka hor inta uusan Reis Nelson shabaqa ku taabanin karoos uu soo dhigay Joe Willock ka hor inta uusan Folarin Balogun oo bedel ku soo galay uusan dhalinin goolkiisii ugu horeysay ee Gunners.AS Roma ayaa iyadana u soo gudubtay…
Sababta Ay Borussia Dortmund U Martigelineyso Kulanka
Liverpool ayaa kulankooda Champions League ee FC Midtjylland waxay ku ciyaari doonaan garoonka Signal Iduna Park ee Borussia Dortmund.Waxay la micno tahay in Jurgen Klopp uu ku laaban doono garoonkii uu todobo sannadood tababare ka soo ahaa.Tababaraha Jarmalka ayaa garoonkaan ku laabtay kaliya hal kulan oo tartan rasmi ah kulankii Europa League ee sannadkii 2016.Laakiin Liverpool ayaa walaac ka muujisay u safarkooda kooxda reer Denmark madaama dowlada Ingariiska ay qasab ka dhigtay in karantiil 14 maalmood ay galaan dadka…
Arsenal Oo U Soo Baxday Wareega 32da Europa League, Da’
Arsenal oo saftay ciyaartoyda keydka ayaa sii ilaashatay rikoodhkeeda guulaha Europa League iyagoo 3-0 ku xaaqay kooxda Molde, islamarkaana xaqiijistay booskooda wareega 32da Europa League.Arsenal oo shaxdeeda wax badan laga bedalay ayaa gaabis uu ka muuqday qeybtii hore, waxayna ku sigteen in hogaanka looga hormaro daqiiqadii 16aad, markii uu Sheriff Sinyan uu ku dhawaaday inuu shabaqa soo taabto.Qeybtii labaad ayay Arsenal hurdada ka dhacay iyadoo Nicolas Pepe uu goolasha furay daqiiqadii 50aad ka hor inta uusan Reiss…
300 Ciyaaryahan Oo Kula Biiray Ibrahimovic Iyo Gareth Bale
Mino Raiola ayaa shaaca ka qaaday in ugu yaraan 300 ciyaaryahan inay kula biireen Zlatan Ibrahimovic dagaalka ka dhanka ah shirkada sameysa ciyaar gacmeedka FIFA ee EA Sports.Wakiilkaan caanka ah ayaa sheegay inuusan ka quusan doonin dagaalka ay kula jiraan EA Sports, xiriirka kubada cagta Adduunka ee FIFA iyo ururka ciyaartoyda ee FIFPro.Ibrahimovic ayaa baraha bulshada ku soo qoray Isniintii in baaritaan lagu sameeyo ciyaar gacmeedka FIFA 21 isagoo ku eedeeyay in shirkada EA Sports ay isticmaashay muuqaalkiisa iyo…
Xiddigii Arsenal Ay Dooneysay Houssem Aouar Oo Diiday
Wargeyska L’Equipe ee ka soo baxa dalka Faransiiska ayaa qoray in kubadsameeyaha khadka dhexe ee kooxda Lyon Houssem Aouar in laga reebo liiska ciyaartoyda todobaadkan la ciyaareysa Reims ka dib ganaax uu duldhigay agaasimaha kooxda Juninho.22 jirkaan ayaa diiday inuu ka qeyb qaato tababarka kooxda ka dib kulankii ay la ciyaareen Angers oo uu kursiga keydka fadhiyay.Ciyaaryahanadda kooxda Lyon ayaa lagu wargeliyay in kooxda laga ganaaxay Aouar subaxinimadii Arbacada sidoo kale waxaa warkaan loo sheegay ciyaaryahan shaqsi…
Muxuu Daafaca Chelsea Kurt Zouma U Sheegay Xiddiga Loo
Kurt Zouma ayaa cashar kubada cagta ah siiyay Eduardo Camavinga ka dib kulankii ay Chelsea 2-1 kaga badisay Rennes.Labada nin ee Faransiiska ah ayaa iska horyimid habeenkii Talaadada kulankii Champions League iyadoo kubad uu madax ku dhaliyay xiddiga kale ee Faransiiska Olivier Giroud ay Chelsea u soo saartay wareega 16ka.Laakiin markii ay ciyaarta dhamaatay Zouma ayaa garoonka dhexdiisa kula hadlay Camavinga oo 18 jir ah isagoo siiyay cashar ku saabsan kubad difaacashada.Daafaca dhexe Zouma oo 26 sanno jir ah ayaa wacdarro…
Neymar Kuma Jiro Xitaa 30ka Xiddig Ee Ugu Fiican Kubada
Musharaxa madaxweynaha Barcelona Toni Freixa ayaa sheegay in Neymar uusan ku jirin 30ka xiddig ee ugu sareeya kubada cagta Yurub islamarkaana uusan xiiseyneynin inuu u soo saxiixo Barcelona haddii uu ku guuleysto doorashada.Shaqada ugu sareysa Camp Nou ayaa banaan ka dib markii uu dhawaan iscasilay Josep Maria Bartomeu.Waxay la micno tahay in doorasho ay dhici doonto, iyadoo Friexa ayaa miiska soo saaray qorshihiisa uu ku maamulayo kooxda iyo fekerkiisa ku aadan Neymar.Xiddiga reer Brazil ayaa ka ka tagay Barcelona sannadkii…
Jadwalka Kulamada Premier League Ee Ciida Masiixiga Ilaa
Jadwalka kulamada xiriirka ah ee Premier League ee la ciyaaro waqtiga ciida masiixiga ilaa dhamaadka sannadka ayaa la soo saaray iyadoo kulamada xiriirka ah ay bilaabanayaan 26ka December oo loo yaqaano Boxing Day.Xilli ciyaareedkan ma jiro fasax la galayo waqtiga qaboobaha madaama jadwalka uu ciriiri yahay sababo la xiriira Korona Fayras iyo dib u dhicii uu sababay.Jadwalka maanta la baahiyay ayaa ku soo aadaya xilli tababaraha Liverpool Jurgen Klopp uu ugu baaqay TV-yada baahinaya horyaalka inay ka wada hadlaan sidii ay…
Fal Uu Ku Kacay Dhakhtarka Diego Maradona Oo Ka Careysiisay
Sawir si qaldan loogu tilmaamay inuu yahay sawirkii ugu danbeeyay ee laga qaaday Diego Maradona oo nool ayaa keentay in dhakhtarkiisa qaaska ahaa inuu raaligeliyo qoyska halyeeyga kubada cagta.Maradona oo lagu tilmaamo inuu yahay xiddigii ugu fiicnaa abid ayaa geeriyooday shalay oo Arbaco aheyd isagoo da’diisa ay aheyd 60 sanno jir.Waxaa istaagay wadnaha isagoo jooga gurigiisa ku yaala magaalada Buenos Aires, halkaasoo uu ku soo kabsanayay tan iyo markii qaliin maskaxda looga sameeyay horaantii bishaan.Waqtigii uu…