Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Midkee Ku Wanaagsana Falanqaynta Ciyaaraha Khubarada Roy

Waxa la qiimeeyey khubarada ciyaaraha ee telefishannada ka falanqaysa kulamada tooska u dhacaya, kuwaas oo soo fadhiista istuudiyeyaasha TV-yada laga leeyaha waddanka Ingiriiska.Sky Sports, BBC Sports iyo BT Sports ayaa ah telefishannada laga leeyahay British ka ah ee ciyaaraha sida tooska ah u tabiya iyagoo istuudiyaha ku diyaariya ciyaartooyo hore uga fadhiistay ciyaaraha oo falanqayn ku sameeya kulamada ka hor inta aanay bilaabmin, xilliga nasashada iyo ciyaarta kaddibba.30 ciyaartoy oo hore oo telefishannadan soo…

Thiago, Naby Keita, Jordan Henderson Iyo Waqtiga Ay Soo

Liverpool ayaa Sabtida berri oo waqti hore ah waxay u tegi doontaa Brighton xilli ay jiraan dhaawacyo tiro badan oo aan fursad u haysanin kulankan.Reds ayay nasiib-darradu kusii socotay ciyaartii Axaddii ay Leicester City ku qaabileen, waxaana dhaawac kaga baxay Naby Keita oo muruqa waxyeello kasoo gaadhay.Tababare Jurgen Klopp ayay kooxdiisa ayuu dhaawacan ugu dambeeyey ugu biiray dersin ciyaartoydiisa ah oo bannaanka hore uga joogay garoomada, sida Virgil van Dijk, Thiago Alcantara, Trent Alexander-Arnold iyo Joe…

“Tottenham Waa Kuwii Aanu Sida Laydhka U Gudubnay, Waxaanu

Chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge waxay Axadda ku qaabili doontaa naadiga ay isku magaalada yihiin ee Tottenham, waxaanay natiijada ciyaartani isbeddel ku keeni kartaa kaalmaha ugu sarreeya horyaalka Premier League.Tottenham oo hoggaanka horyaalka kala wareegtay Chelsea usbuucii hore ayaa waxay u baahan tahay inay guuleysato si ay ugu sii negaato booskeeda, laakiin Chelsea oo libinta hesha ayaa iyaduna waxay awood u yeelan doontaa inay hal dhibic ka sare marto Spurs.Kabtanka Chelsea ee Cesar Azpilicueta ayaa digniin…

Xiddigaha Real Madrid Oo Caddeeyey Inay Ilaa Heer Dhimasho

Sharraxaad iyo sharraxaad la’aanba, Real Madrid waxay ciyaartoygeedu madaxa kor u qaadaan marka ay uguadag tahay, waxaanay tusaalihii ugu dambeeyey ku bixiyeen tartanka Champions League oo ay u muuqdaan inay xaqiijisanayaan booskooda wareegga 16-ka, xilli mugdi la gelinayay fursaddooda.Tababare Zinedine Zidane ayaa culays badan saaran yahay xili ciyaareedkan, gaar ahaan markii labadii ciyaarood ee ugu horreeyey tartanka Champions League midna laga badiyey midna uu barbarro galay.Ciyaartii ay dirqiga kaga baxsadeen Inter…

Isku-Aadka Isreeb-reebka Koobka Adduunka 2022 Ee Qaaradda

England ayaa ka mid noqotay 10ka kooxood ee lagu daba-fayli doono isku-aadka koobka Adduunka 2022 isreeb-reebka ay u gelayaan waddamada Yurub, kaddib markii ay FIFA soo saartay qiimaynta waddamada.FIFA ayaa shaacisay tobanka waddan ee ugu sarreeya qiimaynta dunida oo ay kaalinta afraad kaga jirto England, waxaanay taasi keenaysaa in isreeb-reebka Koobka Adduunka ee la samayn doono December 7 ay kala badbaadaan waddamada waaweyn, sida Belgium iyo Faransiiska.Waddamada qaaradda Yurub ayaa dhowaan bilaabi doona kulamada…

Juve Oo Doonaysa Van De Beek, Man United Oo Aan Ka Quusanin

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad dunida ka joogtaan. Suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaagii waxa uu xidhmay horraanta bishii October, waxaana dhowaan la sugayaa inuu furmo suuqa waqtiga jiilaalka ee bisha January oo muddo kooban ay kooxuhu u heli doonaan inay kaga soo faa’iidaystaan.Kooxaha dhaawacyadu ragaadiyeen amaba doonaya inay helaan xiddigo ka caawiya xallinta dhibaatooyinkii ay soo arkeen qaybta hore ee xili ciyaareedka ayaa suuqa geli doona, sidoo kalena ciyaartooyo heshiisyada…

Kooxda Ugu Dhow Ee Sergio Ramos Uu Heshiiska U Saxeexi Doono

Kabtanka kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa la sheegayaa inuu kusii jeedo horyaalka waddanka Ingiriiska oo uu u saxeexi doono mid ka mid ah kooxaha waaweyn, balse aanay ku jirin Tottenham oo uu hormood u yahay tababare Jose Mourinho.Weeraryahankii hore ee Tottenham ee Diimitar Berbatov ayaa hoos u dhigay fursadda uu Jose Mourinho mar kale kula midoobi karayo Ramos, balse ay isku noqon karaan kuwo xafiiltan ku dhex maro garoomada.Sida ay warbaahinta Ingiriisku kusoo warramayaan, Tottenham oo Axadda kulan…

Lacagtii Uu Diego Maradona Ka Dhintay & Duruuftii Uu Ku

Mar ayuu ahaa ciyaartoyga ugu oo dhan ugu mushaharka badan leh, laakiin noloshiisa ayay gilgishay daroogooyin uu isticmaalay, xad-gudubyo sharci iyo dhibaatooyin dhaqaale oo xanuun badan soo gaadhsiiyey noloshiisa, isla markaana ugu dambayntii uu god-galay iyadoo ay qasnaddiisu madhan tahay.60 jir ayuu ku geeriyooday Arbacadii, waxaana dhimashadiisa sababay wadne istaag si lama filaan ah ugu soo booday iyadoo uu joogo guriga, naftana lama gaadhin dhakhtarka, sida ay xaqiijiyeen warbaahintu.Intii uu noolaa ee uu ku jiray…

Saadaasha Khabiir Mark Lawrenson Ee Kulamada Premier League

Mark Lawrenson ayaa soo saaray saadaashiisa kulamada usbuuca tobnaad ee horyaalka Premier League, xilli ay hoggaanka hayso Tottenham oo ay Axadda ballansan yihiin naadiga deriska ay yihiin ee Chelsea.Tababare Jose Mourinho ayaa ku laaban doona garoonkiisii  hore ee Stamford Bridge, balse waxa uu markan doonayaa inuu guul-darro usoo xambaariyo, saddexda dhibcoodna kasoo qaato garoonkii uu beryaha qaarkood sida waallida ah ugu dedaali jiray inuu koobabka keeno.Tottenham ayaa u baahan inay guul kale soo hoyso si ay hoggaanka…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More