Brendan Rodgers Oo La Weydiiyay Sida Uu Mikel Arteta Ula

Tababaraha kooxda Leicester City ee Brendan Rodgers ayaa kahor kulanka caawa ay booqanayaan Arsenal wax laga weydiiyay xaalada khadka dhexe ee Mesut Ozil oo uu ciqaab marinayo dhigiisa Mikel Arteta.

Xiddiga kusoo guuleystay koobka aduunka ayaan Arsenal kulan tartan ah usoo ciyaarin tan iyo bishii March waxaana laga saaray labada liis ee ciyaaryahanada kooxdaas u metelaya tartamada Europe League iyo Premier League.

Rodgers oo caawa Emirates Stadium marti ku ah ayaa ku amaanay Ozil inuu yahay ciyaaryahan hibo cajiib ah leh balse si lama filaan ah u sheegay inuu samayn lahaa sida uu Arteta ku samaynayo hadda.

Macalinkii hore ee Liverpool ayaa sheegay inuu u baahan yahay ciyaaryahan daafaca iyo weerarka kooxdaba ka qayb qaata sababtoo ah inay rabaan in kooxdu hal maskax oo wada shaqaynaysa isku noqoto.

“Isagu waa ciyaaryahan hibo leh balse waxa ay ku xidhan tahay qaab dhismeedkaaga” ayuu ugu horreynba hadalkiisa ku bilaabay Brendan oo ka hadlaya Mesut Ozil.

“Waxaan noqon lahaa mid in badan lamid ah Mikel (Arteta), waxaanu u baahanahay inuu ciyaaryahan kastaa wax ku kordhiyo dhinaca daafaca ee kulanka si lamid ah dhinaca daafaca kulanka”

“Kooxdu waa inay noqoto hal maskax, qofkasta waxa uu u baahan yahay inuu shaqeeyo oo si wadajir ah loo shaqeeyo”

Mikel Arteta oo dhawaan saxaafada laga hadlay ayaa sheegay inuu ku fashilmay inuu qaabka ugu wanaagsan u ciyaarsiiyo Mesut Ozil isaga oo ku dooday in go’aanka uu kooxda kaga saaray aan lagu gaadhin sababtoo ah dhibaato banaanka garoonka ka taagan.

Ozil ayaa diiday inuu mushahar dhimis sameeyo xilligii uu sida ba’an u jiray xanuunka Korona Fayras iyadoo ay xataa Arsenal shaqada ka caydhisay 55 kamida shaqaalaha kooxdeeda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More