Xiddig Lacag Qaali Ah Ugu Yimid Manchester United Oo Lagula

Khabiirka kubadda cagta ee Paul Ince ayaa rumaysan in Manchester United ay iibin doonto Paul Pogba kaddib kulankii barbarraha 0-0 ku dhamaaday ee garoonka Old Trafford ku dhex maray Man United iyo Chelsea.

Xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey kusoo bilowday kaydka Manchester United iyadoo uu tababare Ole Gunnar Solskjaer soo geliyey qaybtii dambe.

Laakiin Ince ayaa dareensan inay ahayd in Pogba uu kasoo horreeyo Fred ama Scott McTominay oo uu ciyaartii Chelsea kusoo bilowdo, isla markaana uu kooxdiisa isbeddel ku samayn lahaa.

Paul Ince oo khadka dhexe uga ciyaari jiray Manchester United una saftay 281 ciyaarood, kooxo kale oo Premier League ahna waqtiyo kala duwan kusoo qaatay ayaa kula taliyey Pogba inuu go’aan ka gaadho mustaqbalkiisa oo uu iskaga tago Old Trafford.

Ince waxa uu u sheegay Pogba inuu shandaddiisa ka xidh-dhido Old Trafford maadaama ay u muuqato in booskiisii uu luminayo, heshiiskiisana sannad kali ahi ka hadhsan yahay, waxaanu yidhi: “Paul Pogba waxay ahayd inuu garoonka ku jiro, sababtoo ah, tani waa ciyaar weyn. Aniga waxay ila tahay in kursiga kaydka oo la fadhiyo oo ciyaarta la daawado aanay ka dhignayn ixtiraam darro, McTominay iyo Fred ayaa ka ciyaaraya booskiisii. Anigu waxaan is odhan lahaa: ‘Maxaa qaldan ee aan sameeyey haddii aanan kooxda ka mid ahaanayn.’.

“Waxaan ogahay inuu dhaawacnaa, waxaana laga yaabaa inuu isku dayayo inuu xilli dambe keeno (soo geliyo). Laakiin waxay ila tahay in la joogo waqtigii uu tegi lahaa. Arrintani waxay timid labadii toddobaad ee ka dambeeyey intii uu sheegay inuu doonayo inuu ku biiro Real Madrid.”

Si kastaba, Ince waxa uu dareensan yahay in Pogba laga raacay hadalkii uu ku sheegay inuu doonayo inuu ku biiro Real Madrid, iyadoo heshiiskiisii horena uu sannadkii ugu dambeeyey socdo balse ay Manchester United go’aansatay inay sannadkii doorashada ahaa ee qandaraaskiisa hore dhigayay ay kordhiso, taas oo ka dhigan in sannad kale uu sii joogi doono Old Trafford.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More