Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Xiddig Arsenal Ah Oo Shil Gaari Oo Halis Ah Ka Badbaaday –

Waqti cabsi leh ayaa soo wajahday markii da’da yarka Premier League Joe Willock uu gaarigiisa koontaroolka goostay isagoo seddex wado isaga gudbay ka hor inta uusan ku dhicin darbiga wadada.Waxaa nasiib wanaag aheyd in xiddiga khadka dhexe Joe Willock uu ka badbaaday shilka isagoo aysan waxba gaarin balse gaariga ka soo degay isagoo jareynaya.Gaarigiisa Mercedes-AMG G-class oo qiimihiisu yahay 140 kun ginni ayaa koontaroolka goostay isagoo ku socda xawaare aad u sareeya,.Xiddiga ku jira xulka England ee U21 Willock ayaa ku…

Barcelona Oo Lionel Messi Daraaddii Magaca Uga Beddelaysa

Murashaxa Madaxweynaha Barcelona ee Eimili Rousaud oo la sheegayo in loo badinayo inuu ku guuleysan doono doorashada ayaa shaaciyey inuu qaban doono afti uu magaca kaga beddelayo garoonka Camp Nou ee kooxdiisa haddii la doorto bisha January.Rousaud ayaa ololihiisa doorashada waxa uu ku daray ballanqaad ah inuu Lionel Messi kusii hayn doono kooxda oo aanu ka tegi doonin, isagoo u samaynaya arrimo qancin doona sida inuu garoonka Camp Nou magaca ka beddelo oo uu u bixiyo Stadio Lionel Messi.Waxa kale oo uu ballan-qaaday inuu…

Liverpool, Arsenal, Chelsea Iyo 10ka Kooxood Ee Loo

Ugu dambayn waxa dib ugu soo laabanaya garoomada horyaalka Premier League taageereyaashii ay ugu dambaysay bishii March ee horraantii sannadkan, waxayse albaabadu u furan yihiin oo ay iman doonaan toddobaad kaddib.Dawladda UK ayaa xaqiijisay inay soo gabogabaynayso xidh-xidhnaantii iyo xakamihii ay dadka kaga hor joogtay inay yimaaddaan garoomada iyo meelaha lagu kulmo, taas beddelkeedana waxa la samayn doonaa in la yareeyo dadka iskugu imanaya garoomada.Dawladda ayaa u kala qaadday saddex darajo gobollada waddanka, waxaana…

Sidan Ayay Ahaayeen Saacadihii Ugu Dambeeyey Nolosha Diego

Qalliinkii lagaga sameeyey madaxa ee soo dhamaadayt November 25, waxa lagaga nadiifiyey dhiig ku furtay maskaxda iyo xididdo gyuntamay balse waxa uu kasoo baxay cusbitaalka isagoo caafimaadkiisu fiican yahay oo gaadhi gacan lagu riixayo, mar dambena waxaaba lagu arkay bannaanka.Hubaashii geeridiisa degdegga ah ee uu sababay wadne istaagu shaqo kuma laha qalliinka lagaga sameeyey maskaxda sida ay warbaahintu sheegtay, inkasta oo aanay cid si buuxda u caddaynaysaa jirin.Saacadihii ugu dambeeyey noloshiisa, waxa uu Maradona…

Yaa Ka Geeriyooday Manchester United Ee Ay Baroor-diiqda U

Diego Maradona ayaa geeriyooday shalay oo ay taariikhdu ahayd November 25 oo ku beegan isla maalintii uu dhintay halyey taariikh badan ku lahaa kubadda cagta oo muddo 15 sannadood laga  joogo geeriyooday.Diego Maradona ayaa geeridiisa saddex maalmood oo baroor-diiq waddanku fasax yahay ah lagaga dhawaaqay Argentina iyadoo meydkiisana la geeyey Madaxtooyada oo maamuus qaran loogu sii samaynayo.Dad badan oo iskugu soo baxay dariiqyada ayaa waxay ku labbisan yihiin dharkii uu xidhan jiray, iyadoo ay wajiyadoodana ka muuqato…

Maxay Real Madrid U Baahan Tahay Si Ay Ugu Gudubto Wareegga

Real Madrid ayaa xalay kaalinta labaad ee Group B si buuxda ugu fadhiisatay kaddib markii ay guul dahabi ah ka gaadheen Inter Milan oo ay ugu tageen garoonka San Siro Stadium.Kooxda reer Spain oo ay dersin ciyaartooyo muhiim ahi dhaawac kaga maqnaayeen ayaa toddoba dhibcood yeelatay kaddib 2-0 ay ku dhufatay toban ciyaartoy oo Inter ah oo uu waqti hore casaan ka qaatay Arturo Vidal.Tababare Zidane ayaa shax wax badan ka beddelan yihiin kusoo galay garoonka, waxaanu kaydka dhigay afarta ciyaartoy ee reer Brazil ee Casemiro,…

Wararkii U Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaaryahanadda Ee Maanta Oo

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad dunida ka joogtaan. Suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaagii waxa uu xidhmay horraanta bishii October, waxaana dhowaan la sugayaa inuu furmo suuqa waqtiga jiilaalka ee bisha January oo muddo kooban ay kooxuhu u heli doonaan inay kaga soo faa’iidaystaan.Kooxaha dhaawacyadu ragaadiyeen amaba doonaya inay helaan xiddigo ka caawiya xallinta dhibaatooyinkii ay soo arkeen qaybta hore ee xili ciyaareedka ayaa suuqa geli doona, sidoo kalena ciyaartooyo heshiisyada…

Zidane, Ronaldo, Firmino, Aubayemang & Michael Owen –

Erling Braut Haaland ayaa xili ciyaareedkiisii labaad kasoo muuqana tartanka Champions League, waxaana iyadoo sannadkan la marayo wareeggii ugu horreeyey ee groupyada u suurtogashay inuu isku boodhka ku qaso xiddigo waaweyn oo uu dhaafo rikoodhkoodii gool-dhalinta ee tartankan.Weeraryahanka da’da yar ee reer Norway oo xili ciyaareedkii hore ee 2019/20 kusoo baxay kooxda RB Salzburg oo goolal tiro badan oo layaab lahaa uu dunida isku baray, waxa uu dhaliyey 13 gool 15 kulan oo uu u kala saftay Salzburg iyo Borussia Dortmund…

Jurgen Klopp Oo Ku Eedeeyey Premier League & TV-yada Inay

Jurgen Klopp ayaa rumaysan in kooxdiisa Liverpool lagu hayo dagaal, lagana gelayo dembi lagu curyaaminayo kaddib markii ay xalay guul-darro 2-0 ah kala kulmeen kooxda Atalanta oo kusoo booqatay garoonka Anfield.Reds ayaa fursad u haysatay inay u gudubto wareegga 16ka haddii ay ka badin lahayd Atalanta laakiin laba gool oo ay ka dhaliyeen Josip Ilicic iyo Robin Gosens ayaa xabaal ku riday rajada ahayd inay Liverpool waqti hore usoo baxdo wareegga xiga.Guul-darradan ayaa noqotay middii ugu horreysay ee tan iyo September 2018…

Sidee Loo Kala Horreeyaa Tartanka Gool-dhalinta Champions

Kulamadii afraad ee tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan ayay kooxuhu yeesheen, waxaana ay naadiyo badan xaqiijisteen boosaskooda wareegga xiga, halka kuwo kalena la isku marnaan doono illaa kulamada ugu dambeeya.Kooxda koobka difaacanaysa ee Bayern Munich ayaa safkeeda ku haysata xiddiga kusoo guuleystay gool-dhalinta xili ciyaareedkii hore, isla markaana bilaabay inuu mar kale difaacdo kabtaas.Robert Lewandowski oo bishii August ku guuleystay abaal-marinta gool-dhalinta kaddib 15 gool oo xili ciyaareedkii hore uu…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More