Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Zinedine Zidane Oo La Weydiiyey Waqtiga Uu Iscasilayo Iyo Kooxda U

Tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa hanashada horyaalka Spain ee LaLiga ugu hambalyeeyey Atletico Madrid oo caawa ku guuleysatay kaddib markii ay 2-1 kaga badisay Valladolid, taasina siisay in ay sii xajisato laba dhibcood oo ay horyaalka ku hoggaaminaysay.Real Madrid ayaa iyaduna guul soo laabasho 2-1 ah ka gaadhay Villarreal, laakiin guushaasi uguma filnaanin in ay soo qabtaan Atletico Madrid.Zidane oo warbaahinta la hadlay markii ay soo dhamaatay ciyaartii ugu dambaysay xilli ciyaareedkan ee kooxdiisa ee…

DAAWO: Ayuu Ahaa Qofkii Uu La Hadlayay Markii Uu Luis Suarez Garoonka

Luis Suarez ayaa garoonka dhex-fadhiistay isagoo ooyaya oo ay indhihiisu qoyan yihiin, dabnihiisa iyo wajigiisa oo dhan ayaa laga garanayay in uu ooyayo, laakiin may ahayn murugo ee waxay ahayd mid farxadeed.Xikmadda Soomaalida ayay ku jirtaa in qofku uu labo marba ooyi karo; marka uu faraxsan yahay iyo marka uu murugaysan yahay, waxaanay Luis Suarez u ahayd xaaladda hore.Xiddiga reer Uruguay ayaa Atletico Madrid ku hoggaamiyey horyaalka Spain ee LaLiga oo gool uu caawa dhaliyey uu kooxdaas u horseeday in horyaalka ay ka…

Dhicihii Ay Atletico Madrid Ku Heshay Goolashii Uu Dhaliyey Luis

Atletico Madrid ayaa ku guuleystay horyaalka waddanka Spain ee LaLiga kaddib dedaal badan oo ay soo samaysay xilli ciyaareedkan oo waqtiyada qaarkood toban dhibcood hoggaanka kaga haysay Real Madrid iyo Barcelona.Kooxdan ayaa ku guuleysatay horyaalkeedii 11aad ee taariikhdeeda iyo midkii labaad ee intii uu tababaraha u ahaa Diego Simeone, kaas oo sidoo kale ahaa koobkoodii ugu horreeyey ee horyaalka ee tan iyo 2014.Guusha ay gaadhay Atletico Madrid ayaa waxa qaybta ugu weyn ku lahaa weeraryahanka reer Uruguay ee Luis Suarez…

TAARIIKH MADOW: Real Madrid Oo Loo Diiwaangeliyey Taariikh Madow Oo Ay

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa loo diiwaan-geliyey taariikh madow kaddib markii ay Atletico Madrid kaga guuleysatay horyaalka LaLiga oo ay illaa daqiiqaddii ugu dambaysay rajadoodu noolayd.Los Blancos ayaa xilli ciyaareedka ku dhamaysatay iyadoo laba dhibcood ka dambeysa Atletico Madrid, taas oo haddii laga badin lahaa ama la barbarrayn lahaa kulankii Real Valladolid ay koobka ka qaadan lahaayeen.Zinedine Zidane ayey kooxdiisu semi-finalka kaga hadhay tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan, sidoo kalena waxay…

CHAMPIONS!!! Atletico Madrid Oo Ku Guuleysatay Horyaalka Spain Ee

Kooxda  kubadda cagta Atletico Madrid ayaa ku guuleysatay horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ee xilli ciyaareedka 2020-21, waxaana ku hoggaamiyey xiddiga reer Uruguay ee Luis Suarez oo gool uu u dhaliyey qaybtii dambe uu siiyey guul kaga xidhnayd hanashada horyaalka.Atletico ayaa hantiday koobkeedii ugu horreeyey ee horyaalka LaLiga ee tan iyo 2014, waxaanay heerka labaad u daadajiyeen Real Valladolid oo haddii ay badin lahaayeen ciyaartan ka badbaadi lahayd in ay heerka labaad u dhacaan.Los Rojiblancos oo hoggaanka…

Muxuu Mateo Kovacic U Sheegay Da’yarka Chelsea Ee Billy Gilmour Ka Hor

Laacibka da’da yar ee khadka dhexe uga ciyaara Chelsea ee Billy Gilmour ayaa sharraxaad ka bixiyey hadal uu u sheegay laacibka khadka dhexe ee ay isku kooxda yihiin ee Mateo Kovacic oo xulka qaranka Croatia uga qayb-gelaya tartanka Euro 2020.Gilmour ayaa looga yeedhay xulka qaranka Scotland kaddib xilli ciyaareed uu bandhig fiican ka sameeyey Chelsea, waxaase ay isku group yihiin England, Croatia iyo Czech Republic, taas oo rajadooda ka dhigaysa mid liidata.Chelsea ayay ku jiraan ciyaartooyo badan oo afarta waddan ee…

“Cadaadis Ayaa Jira, Waxa Aan Dareemayaa Qulqulka Dhiigga Ee Xididdada

Juventus ayaa  berri u halgami doonta  in ay hesho guul iyadoo rajaynaysa in laga badiyo qaar  ka mid ah kooxaha ka horreeya, si ay ugu soo dallici karto kaalmaha sare oo ay Champions League uga soo muuqan karto.Bianconeri ayaa waxay min hal dhibic ka dambaysaa Napoli iyo AC Milan, laakiin Milan ayaa ay sugaysaa ciyaar adag iyadoo la ballansan Atalanta oo iyadu xaqiijisatay booskeeda Champions League.Andrea Pirlo oo warbaahinta la hadlayay ka hor kulanka berri ayaa waxa uu wariyeyaasha u sheegay go’aanka mustaqbalkiisa,…

RIKOODH: Robert Lewandowski Oo Taariikh Cusub Oo Aan Abid La Arag Ka

Weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa taariikh cusub oo aan hore u dhicin ka sameeyey horyaalka waddanka Talyaaniga ee Bundelisga, kaddib markii uu maanta  xilli ciyaareedka kusoo xidhay gool uu waqti dambe dhaliyey, kaas oo ahaa goolkiisii 41aad ee uu xilli ciyaareedkan dhaliso.Robert Lewandowski ayaa dhaafay rikoodhkii qarniga jiray ee gool-dhalinta horyaalka Bundesliga oo uu laacibkani barbarreeyey toddobaadkii hore, ugu dambayntiina uu maanta daadka raaciyey.Weeraryahanka reer Poland ayaa dhaliyey 41…

CHAMPIONS!!! Bayern Munich Oo Ku Guuleysatay Horyaalka Bundesliga Iyo

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa ku guuleysatay horyaalka waddanka Germany ee Bundesliga markii sagaalaad oo xidhiidh ah, waxaanay kulankii ugu dambeeyey maanta kusii xasuuqday Augsburg, iyadoo uu rikoodh cajiib ah dhigay Robert Lewandowski oo dhaliyey goolkiisii 41aad ee horyaalka ee xilli ciyaareedkan dhamaaday.Bayern Munich ayaa guusheeda horyaalka waxay xaqiiqsatay horraantii bishan May, waxaanay kulamadii ugu dambeeyey oo dhan dheelaysay iyadoo kaliya sugaysa inta la gaadhayo kulanka ugu dambeeya ee lagu…

Pep Guardiola Oo Shaaciyay Shaqada Uu Qaban Doono Marka Uu 72 Jir

Pep Guardiola ayaa doonaya inuu noqdo tababare xul marka uu gaaro 72 sanno jir, isagoo isku diyaarinaya inuu tababare u noqdo xulka Talyaaniga, wuxuuna durbaba sii shaaciyay shaqsiga uu caawiye ka dhigan doono.Guardiola oo qeyb ka mid ah waayihiisa ciyaareed ku soo qaatay horyaalka Serie A ayaa sheegay inuu ku laaban doono Italy marka uu gaaro 72 sanno jir.Wuxuuna indhaha ku hayaa weeraryahanka halyeeyga Talyaaniga Roberto Baggio inuu markaas ka dhigto caawiye iyagoo u soo wada dheelay kooxda Brescia.Tababaraha Manchester…