Xiddigii Garoonka, Laacibkii U Liitay Iyo Qiimaynta Ciyaaryahanadda

Manchester United ayaa lumisay dhibco kale, waxaana ciyaartii saddexaad oo xidhiidh ah garoonkooda Outdated Trafford ah ay ku dheeleen garoonkooda oo labana lagaga badiyey markan u dambaysayna ay Fulham ku qabatay barbarro.

Gool uu waqti hore u dhaliyey Edinson Cavani ayay Manchester United hoggaanka  ku haysay illaa laga soo gaadhayay dhamaadka ciyaarta oo 14 daqiiqadood ka hadhsan tahay, markaas oo kooxda martida ahayd ee Fulham uu goolka barbarraha u dhaliyey Bryan.

United ayaa iska khasaarisay fursado badan oo ay dhalin karaysay labadii qaybood ee ciyaartaba, waxaana halgan la galay goolhaye Areola oo kubbado badan ka badbaadiyey, halka Fulham ay heshay laba fursadood oo uu David de Gea isku muujiyey, halka midka saddexaadna u ahaa goolkii ay dhaliyeen.

Xiddigii garoonka

Edinson Cavani ayaa gool cajiib ahaa dhaliyey, waxaanu sidoo kale ku dhowaaday in uu shabaqa soo taabto mar kale. Inkasta oo qiimaynta kulanka uu kala mid ahaa McTominay, Shaw, Fernandes iyo De Gea oo kooxdiisa ahaa, haddana telefishanka Sky Sports activities ayaa Cavani u doortay xiddigii garoonka.

Ciyaaryahanadda labada kooxood ayaa isku dhowaa qiimaynta, waxaana sarreeyey kuwa Fulham sababtoo ah, waxa darajada 7 ee qiimaynta kulanka helay siddeed ka mid ah 11kii ciyaartoy ee ugu soo bilowday kulanka.

Ma jirin ciyaartoy si gaar ah bathroom odhan karayay wuu liitay, waxaana qiimaynta 22kii laacib ee labada kooxood ugu soo bilowday ay u dhaxaysay darajooyinka 7 & 6, laakiin ciyaartoydii beddelka Fulham ayuu Loftus-Cheek oo beddel kusoo galay helay darajada 5, waana laacibka ugu qiimaynta hooseeyey dhamaan ciyaartoyda labada kooxood ee kulanka kasoo muuqday.

Qiimayntii ciyaartoyda labada kooxood

Manchester United: De Gea (7), Wan-Bissaka (6), Tuanzebe (6), Lindelof (6), Shaw (7), Fred (6), McTominay (7), Pogba (6), Fernandes (7), Greenwood (6), Cavani (7)

Kaydka: Rashford (6), Diallo (NA), Van de Beek (NA)

Fulham: Areola (7), Bryan (7), Ream (7), Tosin (7), Anguissa (7), Reed (6), Lookman (7), Carvalho (7), Lemina (6), Reid (7), Cavaleiro (6)

Kaydka: Andersen (6), Loftus-Cheek (5), Tete (NA)