Manchester United Oo Kulankii SADDEXAAD Oo Xidhiidh Ah Lagu Qabtay Outdated

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa kulankii saddexaad oo xidhiidh ah lumisay dhibco, waxaana garoonkeeda Outdated Trafford barbarro 1-1 ah kula gashay kooxda heerka labaad u degtay ee Fulham.

Manchester United oo labadii ciyaarood ee hore ay Outdated Trafford ku garaaceen Leicester Metropolis iyo Liverpool ayaa rajaynaysay inay guul kusoo dhoweyso taageereyaasheeda oo markii ugu horreysay garoonka soo galay, waxaana bilowgiiba ka farxiyey Edinson Cavani oo hoggaanka u dhiibay ciyaarta oo aan wax badan soconin, laakiin dhamaadkii ciyaarta ayay Fulham la timid goolka barbarraha oo uu u saxeexay difaaca midig ee Bryan.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo kaydka dhigtay Marcus Rashford ayay kooxdiisu iska lumisay fursado badan labadii qayboodba, waxaase lagu dilay fursaddii kali ahayd ee ay Fulham heshay qaybta dambe.

Manchester United ayaa ciyaarta ku bilaabatay qaab ay doonaysay in ay guul kula dabbaal-degto taageereyaasheeda kusoo laabtay garoonka Outdated Trafford iyo in ay soo afjarto laba kulan oo xidhiidh ahaa oo lagaga badiyey, waxaana daqiiqaddii 6aad ee bilowga ciyaarta fursad fiican sameeyey difaaca midig ee Aaron Wan-Bissaka oo orod ku galay dhinaca midig, isla markaana soo jabiyey kubadda. Pogba ayaa madax ku qabtay kubaddaas, waxayse waxyar ka dallacantay goolka.

Edinson Cavani ayaa hoggaanka u dhiibay Manchester United daqiiqaddii 15aad ee bilowga qaybta hore, kaddib markii uu goolka ku qabtay kubbad uu usoo dhiibay Bruno Fernandes. Difaacyahannada Fulham ayaan u dhoweyn si ay u joojin karaan goolkan cajiibka ah, waxaanay dhex bood-boodday goolka uu waardiyaha ka ahaa Areola.

Greenwood ayaa mar kale ka nixiyey Fulham, waxaana kubbad uu Wan-Bissaka ka keenay dhinaca midig  uu ka  helay xerada ganaaxa dhexdeeda, waxaana uu ku qabtay goolka hase yeeshee kubadda ayaa dusha sare kaga dhacday shabaqa.

Fulham ayaa heshay fursaddeedii ugu horreysay ee ay halis ku geliyeen goolka Manchester United daqiiqaddii 30aad ee qaybta hore, waxaana kubbad uu koornaha kasoo qaaday Cavaleiro uu xerada ganaaxa ugu keenay Anguissa oo ka tallaabo horreeyey Fred, waxaana uu madax ku qabtay isagoo masaafo lix yard oo kaliya u jira goolka. David De Gea ayaa kubaddaas iska soo tufay, laakiin nasiib-darro ma jirin ciyaartoy Fulham ah oo ka daba tegay kubadda si uu ugu celiyo.

Edinson Cavani iyo Mason Greenwood ayaa iyaguna helay fursado kale ka hor intii aan lavatory bixin qaybta hore, waxaanay United u qalmaysay in natiijadu ay intan ka badato qaybta hore.

Markii lagu soo noqday qaybta dambe ayuu Bruno Fernandes helay laba fursadood oo qaali ahaa, waxaana sii halis badnaa midka dambe oo ahaa laad xor ah oo uu soo qaaday, iyadoo uu kubadda u geeyey Greenwood oo koornaha shishe joogay, kaas oo isaguna shafka ku qabsaday kubadda, siina raaciyey fooli laakiin goolhaye Arelola ayaa ka diiday kubaddaas inay goolkiisa gasho.

David de Gea ayaa daqiiqaddii 61aad waxa uu u babbac-dhigay Fulham waxaanu badbaadiyey laba kubbadood oo halis ahaa, isagoo goolhayaha reer Spain u muuqday in uu Solskjaer tusinayo inuu ku qaldan yahay in kaydka uu geliyo oo uu ka doorbido Dean Henderson.

Daqiiqaddii 76aad ayay Fulham la timid goolka barbarraha waxaana u dhaliyey difaaca midig ee Joe Bryan oo kubbad cajiib ahayd oo uu dhinaca midig kasoo dhiibay De Cordova-Reid ku qabtay goolka, isal markaana aan wax fursad ah siinin goolhaye De Gea.

VAR ayaa laga soo hubiyey goolkan iyadoo laga shakiyey inuu jiro Offside, laakiin waa la fasaxay markii la xaqiijiyey inuu sax ahaa.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay barbarro 1-1 ah.

Manchester United ayaa ku jirta kaalinta labaad ee horyaalka Premier League, waxaanay shan dhibcood ka horreysaa Leicester Metropolis oo saddexaad fadhida xilli hal ciyaar ahi ka hadhsan tahay dhamaadka xilli ciyaareedka, taas oo Manchester United ay u tegi doonto Wolves ka hor inta aanay finalka Europa League la ciyaarin Villarreal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More