Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Qaladaadkii Waaweynaa Ee Ay Samaysay Manchester United Finalkii Europa

Halyeygii Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa sharraxaad ka bixiyey qaladaadkii ay samaysay Red Devils kulankii finalka Europa League ee xalay ay Villarreal koobka kaga qaadday rikoodheyaasha magaalada Gdansk ee waddanka Poland.Ciyaartan oo socotay 120 daqiiqadood ayaa kusoo dhamaatay 1-1, waxaana la dhigay rikoodheyaal ay dhamaan 22kii ciyaartoy ee garoonka ku jiray ay wada tuurteen, iyadoo ugu dambayntiii laga qabtay David de Gea, sidaasna ay natiijada rikoodheyaashu ugu soo dhamaatay 11-10.United ayaa gool lagala…

“Shut Up” – Edinson Cavani Oo Garoonka Dhexdiisa Ku Bahdilay Tababare

Ole Gunnar Solskjaer iyo Edinson Cavani ayaa isku dhacay, ereyo kulul na isweydaarsaday intii ay socotay ciyaartii Manchester United guul-darradu kasoo gaadhey ee Villarreal ay rikoodheyaasha kaga qaadday Koobka Europa League.Tababare Solskjaer ayaa iska lumisay fursad uu United kula guuleysan lahaa koobkii ugu horreeyey, waxaana qaybtii horeba dhaawacay Gerard Moreno oo lugta geliyey kubbad laad xor ahayd oo uu soo tuuray Daniel Parejo daqiiqaddii 29aad.Victor Lindelof ayaa kubaddaas ku fashilmay in uu ka difaaco kooxdiisa,…

VIDEO: Bruno Fernandes Oo Oohin La Fadhiistay Garoonka Dhexdiisa

Xiddiga reer Portugal ee Bruno Fernandes ayaa ilmada xajisan kari waayey markii ay soo dhamaatay ciyaarii finalka Europa League ee ay guul-darradu kasoo gaadhay Manchester United, taas oo ay Villarreal kaga qaadday rikoodheyaal.Manchester United ayaa ahayd kooxda loo saadaalinayo in ay ku guuleysanayso Europa League, waxaana haddii ay  hanan lahayd ay soo afjari lahayd afar sannadood oo ay ku jirtay abaar koobab la’aan ah, laakiin kooxda tababare Unai Emery ee Villarreal ayaa rikoodheyaal 11-10 ah kaga qaadday.Halka Man…

Villarreal Oo Ku Guuleysatay Europa League, Rulli Oo Noqday Geesigii

Kooxda kubadda cagta Villarreal ayaa ku guuleysatay Koobka Europa League iyadoo rikoodheyaal ku garaacday Manchester United oo finalkii 5aad lagaga guuleystay intii uu Ole Gunnar Solskjaer tababaraha u ahaa.Villarreal ayaa xaqiijisatay in ay gacanta ku dhigto koobka Europa League oo ay bandhig wanaagsan ka samaysay, waxaana ka caawiyey goolhaye Geronimo Rulli oo rikoodhihii ugu dambeeyey u dhaliyey, kana qabtay David de Gea.Kooxda reer Spain ayaa qaybtii hore ee ciyaarta waxay la hormartay gool uu u dhaliyey Moreno, waxaase…

Barcelona, Juventus Iyo Real Madrid Oo U Jawaabay UEFA Oo LABA

Real Madrid, Barcelona iyo Juventus ayaa ka jawaabay war-saxaafadeed ay xalay soo saareen guddida anshaxa UEFA, taas oo sheegaysay in lasoo dhamaystiray baadhitaan lagu sameeyey saddexdan kooxood oo wali kusii dhegsan mashruucii fashilmay ee Super League.UEFA ayaa sheegtay in ay soo saarayso, go’aanka ciqaabeed ee la marsiinayo kooxahan, waxaanay warbaahintu ku fasirtay in sannad illaa laba sannadood laga ganaaxi doono tartanka Champions League, loona raacin doono ganaax lacageed oo badan.Laakiin kooxahan ayaa soo saaray…

FINALKA EUROPA LEAGUE: Shaxaha Rasmiga Ah Ee Man United vs Villarreal

Ciyaaryahanadda Manchester United iyo Villarreal ayaa ku sugan gudaha garoonka PGE Arena ee magaalada Gdansk ee waddanka Poland, halkaas oo ay sidoo kale joogaan 9,500 taageereyaal ah, kuwaas oo kala taageeraya labada naadi.Ole Gunnar Solskjaer ayaa raadinaya in uu United kula guuleysto koobkii ugu horreeyey ee isagoo tababare ah kaddib afar final oo lagu garaacay, waxaana uu ciyaartan kusoo bilaabay shaxda ugu adag ee uu heli karayay.Weerarka ayay kusoo wada bilowdeen Marcus Rashford, Edinson Cavani iyo Mason Greenwood oo…

Messi, Ronaldo, Kane: 30ka Xiddig Ee Gool-dhalinta Iyo Caawinta Ugu

Inkasta oo xilli ciyaareedkii 2020/21 uu soo dhamaaday, inkasta oo VAR ay goolal badan diidday, dad badanna ka cadhaysiisay, inkasta oo finalka Champions League uu yahay mid aan wax isbeddel ah ku samayn karayn xogta hoos ku qoran, haddana waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa ciyaaryahannada goolasha ugu badan kusoo lug yeeshay shanta horyaal ee waaweyn ee qaaradda Yurub.Xilli ciyaareedkan dhamaaday, afar ka mid ah horyaallada waaweyn ee  Yurub waxa ku guuleystay kooxo cusub iyadoo koobabka laga  qaaday naadiyadii xilli…

David Alaba Oo Soo Gaarey Magaalada Madrid & Waqtiga Real Madrid Ay

David Alaba ayaa soo gaadhay magaalada Madrid maalintii Salaasada, waxaana uu isku diyaarinayaa in Real Madrid uu qalinka ugu duugo heshiis bilaash ah oo uu ugaga soo wareegay Bayern Munich oo qandaraaskii uu kula jiray uu kasoo dhamaaday.28 jirkan ayaa Real Madrid u saxeexi doona heshiis shan sannadood ah oo Santiago Bernabeu kusii hayn doona illaa inta ay da’diisu noqonayso 33 jir.Telefishanka Gol TV ayaa sheegay in David Alaba uu Salaasadii soo gaadhay Madrid iyadoo uu la socdo wakiilkiisa iyo sidoo kale lataliyihiisa…

War Cusub Oo Kasoo Kordhay Dhaawacyada N’Golo Kante Iyo Edouard Mendy

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa war wanaagsan ka heshay labadeeda ciyaartoy ee N’Golo Kante iyo Edouard Mendy oo kusoo laabtay tababarka gellinkii dambe ee maanta, xilli ay kooxdu isku diyaarinayso finalka Champions League ee ay Sabtida wada ciyaari doonaan Manchester CtiyXarunta tababaraha Chelsea ee Cobham ayay maanta iska soo xaadiriyeen Kante iyo Mendy, waxaanay taasi soo noolaysay rajada kooxda ee ah in labadan ciyaartoy ay usoo laaban karaan kulankaas muhiimka ah.Kante ayaa dhaawac muruqa ah ku seegay ciyaartii Aston…

XASAASI: Wixii Uu U Sheegay Madaxweyne Joan Laporta Tababare Koeman

Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa la xusayaa inuu tababaraha kooxda ee Ronald Koeman u sheegay inuu raadinayo tababare cusub oo isaga bedelkiisa noqda.Laporta ayaa la xusayaa inuu tababaraha Dutch-ka ah weydiistay inuu siiyo mudo 15 maalmood ah si uu usoo xusho tababare cusub.Warbixintan ayaa ah mid ka imanaysa wargeyska TV3 walow uusan xusin tababarayaasha bedelka u noqon kara Koeman, waxa jira macalimiin lala xidhiidhinayo jagadiisa.Wakiilka Koeman ee Rob Jansen ayaa kasoo baxay Salaasadii xalay ahayd…