“Lugta Bidix Ee Messi, Madaxa Ramos, Orodka Mbappe, Jidka CR7, …

Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa magacaabay ciyaaryahannada ugu xirfadda sarreeya kubadda cagta waqtigan, waxaana uu meel iskugu keenay ciyaartoydii aad tebaysay ee ugu magaca weynaa intooda badan.

Neymar Jr oo xalay ganaax kaga maqnaa kulankii finalka Coupe de France ee Paris Saint-Germain ay 2-0 koobka kaga qaadday Monaco, ayaa waxa uu isku diyaarinayaa ciyaarta ugu dambaysa xilli ciyaareedkan horyaalka Faransiiska ee Ligue 1, taas oo ay u baahan yihiin in ay saddexda dhibcood helaan, laakiin haddana saddexda dhibcood uguma filna in ay horyaalka ku guuleystaan sababtoo ah waxa hal dhibic ka  horreysa Lille oo haddii ay badiso horyaalka qaadan doonta.

Neymar oo ku guuleystay koob walba oo kooxeed, waxa kaliya oo uu raadinayaa in xulka qarankiisa uu kula guuleysto Koobka Adduunka oo uu dareensan yahay in uu yahay waajib saaran oo ay tahay in uu dalkiisa kula guuleysto si uu ugu biiro liiska halyeeyadii waddankaas.

Si kastaba, xiddiga Paris Saint-Germain ayaa waxa la su’aalay in uu sheego ciyaartoyda ugu xirfadda sarreeya kubadda cagta, waxaanu markiiba lasoo booday laacibiinta ay ka midka yihiin Cristiano Ronaldo, Lionel Messi, Kylian Mbappe iyo Zlatan Ibrahimovic.

Waxa kale oo uu Neymar liiska kusoo daray weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski, laakiin waxa uu iyagana ka saari kari waayey Sergio Ramos iyo N’Golo Kante, halka uu dhinaca hal-abuurkana usoo qaatay Verratti.”

Isagoo ka  jawaabayay su’aal laga weydiiyey xiddigaha ugu firfadda badan ama ugu dhamayska tiran kubadda cagta,  waxa uu yidhi: “Miyaan isku daraa anigu mise waan iska reebaa? Waan isku dari darayaa. Waxay ila tahay, jidh ahaanta Ronaldo, dabacsanaanta Ibrahimovic, madaxa Sergio Ramos, orodka Mbappe, lugta bidix ee Messi, lugtayda midig, boos qaadashada Robert Lewandowski, taakalka N’Golo Kante iyo hal abuurka Marco Verratti.”

Neymar waxa kale oo la weydiiyey xiddiga ugu wanaagsan ee usoo baxaya Yurub ee wacdaraha ka dhigi doona qaaaradda Yurub, waxaana uu markiiba lasoo booday Gabriel Menino oo ah 20 jir khadka dhexe uga ciyaara kooxda reer Brazil ee Palmeiras.

“Kaasi waa Gabriel Menino. Waxa  kale oo jira Caio Jorge oo Santos FC ka tirsan, hibadiisuna aad u badan tahay. Waxa aan daawaday laba kulan oo Copa Libertadores ah oo uu ciyaarayay, wuu kusoo bixi lahaa Yurub.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More